Wasiir Guri Barwaaqo Oo Shaqadii Ka Joojiyay Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Iyo Cali Guray Oo Ka Hadley.

0
1302

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cali Caliyow.

 

Wasiirka ayaa la sheegay in uu Muddo saddex bilood ah u carabaabay Agaasimiha Guud Ee Wasaaradaasi in aanu fooda soo gelinin Wasaaradda.

 

Si dhab ah looma garanayo sababta uu Wasiirku u cuskaday shaqo ka joojinta agaasimaha guud, hasayeeshee Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa qoraal uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga waxa uu kaga hadlay shaqo joojintaasi uu Wasiirku ku sameeyay agaasimihii guud, waxaana uu ku yidhi

 

 

 

“Anigu wasiir ka liita ma garanayo wasiirka reer Hargeysa ee Agaasimihiisii Guud oo reer Sanaag Bari ah sedex bilood shaqo ka joojin ugu qoray.

 

 

Taas anigu bahdalaad baan u arkaa. Waa wasiir aan farsamo-yaqaan aheyn siyaasina ahayn markaa wax aan khasaare ahayn uu soo kordhin karaa ma jirto.

 

 

 

Wasaaradda Warfaafinta inta wasiir dhex fadhiyo weligeed toosi mayso waayo maaha wasiirku ka isagu ay tahay ama ka masuulka ah socodsiinta hawlmaalmeedka wasaaradda ee waxa ah Agaasimaha Guud.

 

 

 

Dawlad wanaaga waxa gees marsan oo Somaliland ragaadiyay wasiiro iyagu wasaaradihii qoorta ku duubtay oo isagu maamulaya isagoon maamuli karin. Marka uu ka tago ku cusub oo ayaa isaguna markiisii ay noqotay baa la wareegaya isaga ayaana sidii kit hore yeeli jiray isaguna markiisa yeelaya oo hadana ka tegaya. Markaa xaalku saw ha wareegto giraantu uun maaha miyay haya’do ama wasaarado sidaa ku dhismi karaan? ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here