Maamul Goboleedka Puntland Oo Loogu Baaqay In Ay Joojiso Dil Ay Ku Fulin Rabto Labo Wiil oo Dhalinyaro ah

0
757

Hay’adda caalamiga ee u dooda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay uga codsaday maamulka Puntland in ay joojiso dil ay ku fulin rabto labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaa oo horey Maxkamad ciidan ugu riday Xukun dil ah.

Labadan Dhalinyaro ee Puntland ku xukuntay dilka ayaa ku eedeesan dil la sheegay in loo geestay sedex sargaal oo katirsanaa Maamulka Puntland, waxaana wiilashan dil sugayaasha horey xukun dil ah ugu riday Maxkamada dambiyada culus ee Puntland.

 

Hay’ada Amnesty International ayaa sheegtay in ay ogaatay in maamulka Puntland ay qorshaynayso inay xukun dil ku fuliso labo dhalinyaro oo lagu kala magacaabo Maxamed Yaasiin Cabdi oo 17 jir ah , iyo Daa’uud Siciid Sahal oo 17.

 

Waxa ay sheegtay Hay’adan Xaquuqda Aadanaha u dooda in ay ka walaacsan tahay in Puntland ay xili kasta dil ku fulin karto labadan dhalinyaro, waxa ayna xustay Hay’ada in Puntland 8-dii bishan April dil ugu fulisay 5 nin ay ku jiraan wiilal da’doodu ay u dhaxeysay 14 ilaa iyo 17 sano.

 

” 5ta dhalinyarada eee dilka lagu fuliyay waxaa lagu sameeyay jir-dil si ay dambiga u qirtaan, waxaa loo diiday qareeno u dooda, iyadoo maxkamada milateri la saaray, nolosha labada dhalinyarada ee haray waa in la badbaadiyaa” Sidaas waxaa yiri Micheal Kagari oo ah ku Xigeenka Agaasimaha amnest ee Bariga iyo geeska Afrika

 

Amnesty waxay kaloo sheegtay in qaar ka mid ah qoysaskii dhalinyarada la toogtay ay u sheegeen in si bani’aadanimada ka baxsan loo ciqaabay si u qirtaan dambiyada lagu soo eedeeyay, iyadoo la adeegsaday Koronto, Xubnaha tartanka oo sigaar lagaga gubay, la garaacay, sidoo kalena la kufsaday.

 

Hay’ada Amnesty waxay soo jeedisay in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo Eedaymaha la xiriira in dhalinyarada dilka lagu fuliyay lagu khasbay inay qirtaan dambiga. Sidoo kalena lala xisaabtamo kuwa dambiyadaas galay.

 

Maamulka Puntland ayaa dhoor maalin kahor xukuno dil ah ku fuliyay shan nin kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen dilal qorsheesan oo magaalada Boosaaso loogu geestay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here