Nin u dhashay Iran oo si weyn u Shabaha amase u eeg Ciyaar Yahanka Messi iyo Warbaahinta oo Hadal haysa

0
961

Warbaahinta Caalamka gaar ahaan kuwa ciyaaraha xiiseeya ayaa si weyn u hadal haya nin u dhashay dalka Iran oo si weyn muuqaalkiisu u shabaho ciyaaryahanka dunida caanka ka ah ee Lionel Messi.

Wakaaladda wararaka Mehr ee laga leeyahay dalka Iran ayaa soo bandhigtay sawirada iyo Muuqaalka Riza Perestes oo u dhashay dalka Iran, muuqaaalka ninkan ayaana aad ugu eg ciyaaryahanka Dunida ugu wanaagsan ee Messi.

Riza Perestes ayaa la sheegay in uu taageero weyn u yahay Ciyaaryahan Messi iyo kooxda uu u ciyaaro ee Bercelona, ninkan ayaana dhinacyo badan uga eg Messi sida muuqaalka wajiga ,garka iyo sida uu tinta u jartay.

Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u hadal haya ninkan taageeraha u ah Messi hadana sida weyn ugu eg, waxa ayna dad badan ugu yeereen ninkan messiga Iran , waxaana muuqaalka ninkan sidoo kale si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here