Diyaaradda sida degdegga ah ku soo cagadhigatay waxay ka soo kicitintay Krakow iyada oo ku sii jeedday magaalada Dublin.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda RynaAir aya duullimaadkeedi si degdeg ah u joojisay kaddib marki suuliga diyaaradda laga helay farriin sheegeysa in diyaarad bam uu ku xiran yahay.
Diyaaradda oo si kadis ah ugu dagtay gigada diyaaradaha Stansted ee ku yaalla magaalada Essex, si ay booliska magaaladaasi baaritaan ugu sameeyeen diyaaraddaasi.
Dad goob joog u ahaa marki ay diyaaradda soo cagadhiganeysay waxay sheegeen diyaaradda iney hareeraha ka socdeen laba diyaaradood oo miig ah.
Booliskuna waxay sheegeen iney diyaaradda ilaa iyo hadda iney ka helin bamka looga shakisanaa.
Booliskuna waxay xireen laba qof oo looga shakiyey iney diyaaradda iyo rakaabki saarnaaba halis geliyeen.
Labada qof ee ay booliska ka shakiyeen oo 26 iyo 47 jirro kala ah booliska ayaa haatan gacanta ku haya.
Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradda RyanAir wuxuu sheegay: “Diyaaradda iney si caadi ah u soo cagadhigatay, balse diyaaradda la geeyey meel cidhif ah iyada oo rakaabki diyaaradda saarnaa oo dhan si nabad ah ay uga soo dageen.”
Muuqaal ay shirkadda diyaaradaha RAF ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ayaa muujinaya diyaaradda oo so cagadhiganeysa.

Afhayeenka shirkadda diyaaradaha Ryanair waxay sheegtay diyaaradda iyo rakaabkaba in la baaray: “waxaa baaray booliska UK iyagaana go’aan ka gaaraya xilliga ay diyaaradda u duuleyso Dublin.”
“Rakaabki Dublin ku sugnaa ee doonayey iney u safraan Karakow si uu safarkooda dib ugu dhicin shirkaddu waxay u diyaarisay diyaarad kale.”
Booliska Essex waxay sheegeen diyaaradda iney meel gees ah oo garoonka ka mid ah ay ku degtay halkaasina ay ku sii sugnaaneyso booliskana ay sii wadanayaan baaritaankooda.”