Ku-simaha raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxeexdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sannadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.
Ku-simaha raysal Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxeexdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaadhinteeda.
Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sanno oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hadhay heshiiskii hore ee 20-ka sanno ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaadho qorshaha ballaadhinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey.
Heshiiska waxaa dowladda Soomaaliya u saxeexay sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxeexay Mudane Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya.