DEG-DEG: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu dambeyn aqbalay dalab saddex jeer uga yimi salaadiinta beesha Habar Jeclo.
Salaadiinta beesha Habar Jeclo ayaa muddo saddex jeer ah codsaday kulan ay la yeeshaan Guddoomiye Kaahin kadib doorashadii guud ee dalka ka dhacday, hase yeeshee codsiyadaas hore waxa uu guddoomiyuhu kaga cudur daartay sababo aan si rasmi ah loo shaacin.
Todobaadkii hore, salaadiintu waxay u direen ergo gaar ah oo si rasmi ah Guddoomiye Kaahin ugu gudbisay dalabkii kulanka. Ergadaas ayuu Kaahin aqbalay codsigoodii, taasoo ahayd tallaabo cusub oo dhinacyadu u qaadayaan isu soo dhawaansho siyaasadeed.
Maanta, salaadiinta beesha Habar Jeclo ayaa isku war geliyey in uu Guddoomiye Kaahin aqbalay kulankaas ay muddo sugayeen, waxayna qorsheeyeen inay si toos ah ugu kulmaan.
Inkasta oo aan weli la helin war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada kulmaya, haddana wararku waxay sheegayaan in kulankan la filayo inuu noqdo mid muhiim ah oo lagu hagaajinayo xidhiidhkii siyaasadeed ee xumaaday kadib doorashadii dalka, taas oo keentay kala fogaansho u dhexeeyey salaadiinta beesha Habar Jeclo iyo siyaasiyiintii la safnaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Muuse Biix
i Cabdi.