Xildhibaan Bulqaas Oo Beeniyey In Beesha Uu Ka Soo Jeedo Ee Harti Iskugu Biyo Shubatay Taageerada Muuse Biixi.

0
630

Hargeysa (Qoryaalenews)- Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed Xasan(Bulqaas),oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa, gaashaanka ku dhuftey liis Magacyadoodu ku xusan yihiin oo lagu soo saarey Warbaahinta islamarkaana, lagu sheegay in ay ku taagereen Murashaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee Murashaxa Jagada Madaxweyne loolanka Kulmiye u dhexeeya iyo Kulankoodii in ay go,aankaa ku qaateen.

 

 

Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed(Bulqaas) ayaa, xaaraan maqdac ah ku tilmaamay in kulankoodii beesha harti ee Xubnaha Xisbiga Kulmiye lagu sheego in ay ku taageerayeen Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye haseyeeshee, kulankoodu daarnaa mid talo la isku weydiinayay, balse la isku af garan waayay kadib markii Xubno kamid ahi soo bandhigeen in ay isla qaataan taageerada Muuse Biixi loolanka Murashaxa jagada Madaxweyne ee Golaha Dhexe, isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Kulankan aanu isugu nimid Xubnaha katirsan Xisbiga Kulmiye ee Beesha Harti Huteelka Lake-Asal ee Magaalada Hargeysa waxa uu ahaa mid aanu u balansaneyn oo aanu wax iskaga weydiinaynay in aanu ku arinsano oo aanu isla waafaqno wixii maxsuulka ah ee aanu dan moodo laakiin ma aheyn mid aanu cid ku taageerayno ama aanu ku muujinayno Mowqifkayaga, kadibna waxadhacdey in Xubno naga mid ah oo kulankaa goob joog ka ahaa ay soo bandhigeen in aanu ku taageerno Muuse Biixi oo aanu Go,aankaa isla qaadano laakiin buuq iyo muran ayaa ka dhacay waxaananu u balanay in aanu galinka dambe isku nimaadno.

 

 

Runtii waanu isku nimid waxaananu isla qaadanay in marka hore Xubnaha Beesha Warsangali ay gaar isku soo arkaan, Dhulbahantana ay gaarkooda isku soo arkaan markaa kadib aanu wax isula nimaadno, oo isla qaadano wixii maxsuulka ah ee aanu ka tagi weyno laakiin hada tan magacyadayadii lagu soo taxay liiska waxey wax u dhimaysaa Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ma aha mid wax loogu tarayo, runtii xubno aan goobta joogin ayaa jira oo liiskaa lagu darey xaqiiqdiina, raga meesha isugu yimid kuwa Golaha Dhexe kujira, iyo kuwaa aan Xubnaha Golaha dhexe kamid aheyn, oo aan wali Kulmiye buuxa ahayn ayaa kamid ahaa miyaanay aheyn in Muuse lagu xumaynayo anigu odhan maayo raga meesha isugu yimid ama Xubnaha Golaha dhexe ee Beesha harti Muuse mawada ogola rag taageersanbaa jiri kara kuwa aan ogoleyn ayaa jiri kara laakiin waxa ka horeeya in marka wax la isku waafaqo oo wax la isku sheego, oo balaniyo arin bisil lagu wada socdo laakiin tani macquul ma aha”Ayuu yidhi Xildhibaan Bulqaas.
Waxaanu intaa ku darey in Liiskaasi qalad yahay, oo aan la isku waafaqsaneyn oo aan raali laga wada aheyn oo aanay arimahaasi aheyn kuwa wali halkoodii la gaadhay.
Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maxamed(Bulqaas), waxa uu usoo jeediyay Xubnaha arintan bandhigay ee Liiska magacyada ku taxay in aanay, ka talaabsanin sida arimuhu u socdaan ee ay xaqiiqdooda ku ekaadaan.

 

 

 

Xigasho Wargayska Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here