Madaxweyne Ku Xigeen Kii Hore Puntland Dhagar Qabe Cabdisamad Cali Shire Oo Wadda Qorshe Uu Ku Soo Galo Masraxa Siyaasada Somaliland

0
487

Hargeysa(QoryaaleNews)Madaxweyne ku Xigeenkii Xasuuqa Ka Geystay Taleex Oo U Hanqal taagaya Siyaasada Dalka Xili Aan Maxkamad La Taagin

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka puntland cabdisamad cali shire ayaa wada qorshe ka dhan ah sidii uu uga soo dhex muuqan lahaa masraxa siyaasada Somaliland isagoona iskaga dabqaadaya xidhiidhka siyaasiyiinta xisbiyada dalka oo uu xod-xodhasho ku waddo ka dib markii uu ka soo rajo waayey mamulkii hore ee uu ka tirsanaa isla markaana uu siyaasadooda aaminsanaa, cabdisamad cali shire ayaa mudooyinkii udambeeyey ka badin la,aa daawashada daaraha hargeysa wuxuuna wadaa sidii uu uga ciyaarilahaa fagaarayaasha siyaasada dalka. madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka puntland ayaa qoorta usudhan tahay xasuuq laayey maatida degan degmada taleex xili uu guclo orad ugu jiray inuu mar kale madaxweyne ku xigeen ka noqdo doorashadii lagaga adkaaday isaga iyo madaxweynihiisii puntland cabdiraxmaan faroole isagoo xiisad xun ka aloosay deegaankaa xasuuq ba,ana ka geystay mana jirto cid ku maxkamadeysay bulshadii uu gumaaday, waxaanuu hadda xadhka uxidhay inuu dhan kale kaga soo wareego siyaasadiisa deegaanada ka dib markii uu qorshihiisii hore ku fashilmay oo ay dabar ku noqotay in dhiigii uu daad shay dulhoganayo.

ilaa hada lagama  war hayo xisbiga uu ka soo jeedsanayo balse warar hoose oo aanu helayno ayaa tibaaxaya in dhanka xisbiga UCID  ujan jeedho kana ciyaaridoono siyaasada Somaliland.

QoryaaleNews/Office

Qoryaalenews2@gmail.com

Haegeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here