Horumar ku Salaysan Hadal (Yool)

0
698

Hawl kasta oo la qabanayo iyo arin kasta oo la rabo in la qabto maalin, todobaad, bilo amma sannado kama maaranto qorshe cad iyo hadaf (yool) si loo ogaado kolba dedaalka la qabanayaa inuu ku dhaw yahay kolba hawshaa la hayo. Haddii si gaar ah aynu uga hadalnana, inaad noloshaada yool u yeeshaa waxay qurxinaysaa jiritaankaaga, qofnimadaada iyo mustaqbalkaga dambe. Qof u hayaamaya meel uu u socon karro 50 talaabo, waxa uu ku socdaa yoolkiisa ha noqoto inuu cunto soo helo, ha noqoto inuu qof la kulmo amma ha noqoto inuu xaajooyinkiisa gaar ah soo guto. Qof kasta oo muslim ahi waxa uu leeyahay yool ah inuu aakhiro jannada helo. Haddaba, maxaynu ka faa’iidaynaa inaynu u yeelno qorshayaasha horumarineed ee dalka ka socda yoolal qeexan?

Maadama oo aynu sare kusoo xusnay sida ay muhiimka u tahay in hadaf amma yool la yeeshaa, waxaynu si guud u eegi doonaa ilaa afar faa’iido oo balaadhan kuwaas oo si balaadhan inogu iftiiminaya waxtarka in yool loo yeelo qorshayasha lagu horumarinayo dalka, ha ugu waynaado Qorshaha Horumarka Dalka (National Development Plan). Kaw, dhab ahaan iyada oo ay jiraan yoolal lagu jaangooyay Qorshahan kuwaas oo shanti sannaba dib loo cusboonaysiiyo, waxa meesha ka maqan in dadka lagu wacyi-geliyo yoolalka waxqabadyada dhaqan-dhaqaale ee ku xusan Qorshahan lagu horumarinayo qaranka (National Development Plan). In bulshada lagu wacyi-geliyaa waxa keenaysaa bulshada iyo saxaafada xorta ahiba ay qiimeeyaan dhammaan waxqabayada keenaya in yoolkii la gaadhay, si gaar ahna ugu fiirsadaan oo ay is waydiiyaan su’aalaha ay kamidka yihiin-Yoolkii waxbarasho, caafimaad, deegaan, beereed ma la gaadhay? Maxaa qabsoomay? Maxaa aan qabsoomin? Sababma? Wasaaradee 100% fulisay qorsheheedii mudadaas? Waa maxay saamaynta ay ku yeelan karto haddii wasiiradu ama xukumaduhu is bedelaan? Su’aalahaas iyo qaar lamid ahiba waxay sahlayaan in wasaaradaha iyo xukumadahaba lagu kala qiimeeyo talaabooyinka ay qaadayaan si ay u dejiyaan hadafyo cad cad una gaadhaan yoolalkaas.

Laba, yoolka qeexani kuma koobna oo kaliya in qaranka laga saaro dhibaato abaareed, waxa uu u baahan yahay in yoolal badan oo saamayn togan kuleh yoolka guud ee sheegaya in marka la gaadho  2021 saamaynta abaarta hoos loo dhigo 90%. Tani waxa ay suurto gelinaysaa in degmooyinka, iyo gobolad ay samaystaan qorshe hoosaado lagu gaadhayo yoolka guud iyada oo saxaafada xorta ahi ay noqonayso mid u madax banaan qiimanayta degmooyinka iyo gobolada ee kamidka ah horumarka ka socda dalka oo dhan. Maanta suurto gal maaha in la ogaado amma la qiimeeyaba dhaqdhaqaaq kasta oo horumarineed oo ka socda degmo iyo gobol kasta tana waxa sabab u ah inaan la haynin yoolal iyo qorshayaal qeexan oo halbeeg u noqon kara qiimaynta horumarka dalka ilaa 2012. Saddex, yool kasta oo gundhig u ah qoryashaaysha dhaqan dhaqaale waa inay ka dhex muuqdaan doorka jaamacadaha iyo khuburada kale ee ku takhasusay waaxyaha horumarineed haday tahay waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, sharciga, deegaanka iyo dhammaan waxqabayada kale ee uu ka kooban yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan). Mudooyinkan dambe waxa qorshaha gacanta ku hayay khuburo ajaanib ah oo aan wax aqoon ah u lahayn baahiyaaha horumarineed ee degmooyinka, magaalooyinka iyo gobollada. Tanina waxay sababtay in qorshe waxbarasho laga fuliyo meel aan u baahnayn meel kalena laga qadiyo. Waxay kale oo aan qorshaha lagu darsan in yoolka marka la dejinayo laga qayb geliyo dad metelaya goobaha laga fuliyo mashaariicda horumarineed si ay afkaartooda uga dhiibtaan iyaga oo ku salaynaya baahidooda. Afar, waxa jirta in inta badan xataa qorshayaasha yar yar todobaad laha ah aan loo yeelin yoolal qeexan oo lagu dhaqaajinayo hawlaha horumarineed ee qaranka.

Haddaba, haddii la waayo yoolal qeexan oo maalinle ah, waxa adkaanaysa in si fudud lagu gaadho kuwa bilaha ah, haddii aanay jirinba yoolal bileedna waxa adkanaysa in qaranka lagu hago isbedel muuqda kaas oo taabanaya horumarka guud.

Waxa qoray: Maxamed Rashiid Xuseen

Telefoonka: 063-4002027

Ciwaanka: mohamedrashid402@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here