Waddankii Ugu Horreeyay Ee Ka Tirsan Latin America Oo Argagixiso U Aqoonsaday Xisbullaah

0
356

Dowladda Argentina ayaa ururka Xisbullah u aqoonsaday koox argagixiso ah, waxaana ay xannibtay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii hantida ee xubnaha ururkaasi ay ku lahaayeen dalkeeda.

Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa kooxdan Shiicada islaamiga ah ku eedeeyay inay mas’uul ka ahayd labo weerar oo laga fuliyay waddankooda.

Go’aankan ayaa looga dhawaaqay munaasabad lagu xusayay 25 sano guuradii kasoo wareegtay qaraxii lagu beegsaday xarunta dhaqanka Yuhuudda ee Amia ee ka dhacay magaalada Buenos Aires, kaasoo ay ku dhinteen 85 ruux.

Ururka Xisbullaah ayaa sidoo kale waxaa horay dhaqdhaqaaq argagixiso ah ugu aqoonsaday dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Israa’iil iyo dhowr waddan oo ka tirsan khaliijka Carabta.

Hase yeeshee, Argentina ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan Latin America oo kooxdan ku dara liiska ururrada argagixisada.

.

Bayaan ay waaxda maaliyadda ee dalkaas soo saartay Khamiistii ayaa lagu yidhi: Wakhti xaadirkan, Xisbullaah waxay halis joogto ah ku tahay ammaanka iyo habsami u socodka dhaqaalaha jamhuuriyadda Argentina”.

War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu shaaciyay xannibaadda dhaqaale ee lagu soo rogay kooxdaas.

Saraakiisha dowladda Argentina ayaa sheegay in Xisbullaah ay howlo sharci darro ah ka sameyso dhulka u dhaxeeya dalalka Argentina, Brazil iyo Paraguay, si ay ugu maalgaliso howlgalladeeda ka socda meelaha kale.

Kooxdan ayaa lagu eedeeyay inay fulisay weerarro loo adeegsaday bambooyin oo ka dhan ah dadka Yuhuudda ah iyo danaha ay Israel ku leedahay caalamka, tan iyo markii ay dalka Lubnaan kasoo ifbaxday horaantii 1980-meeyadii.

Dowladda Iiraan ayaa lagu tilmaamaa inay gacan ka geysatay aasaasitaanka Xisbullaah.

.

Weerarka lagu beegsaday xarunta Amia – oo Argentina ay sheegtay inay qorsheysay islamarkaana maalgalisay Iiraan, kaddibna ay fulisay Xisbullaah – ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee laga geystay Qaaradda Koonfur America.

Balse, Iiraan iyo Xisbullaah labaduba way beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen.

Ma jirto cid abid maxkamad loo soo taagay dacwad la xiriirta weerarkaas.

Mareykanka iyo Israel oo wadajir ah ayaa Argentina ku cadaadiyay inay Xisbullaah u aqoonsato urur argagixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here