Muxuu Yahay Xanuunkan Laga Qaado Kalluunka La Dubay?

0
412

Laba qof ayaa dalka Australia u dhimatay xanuunka listeria ka dib markii la sheegay in ay cuneen kalluun la dubay oo wasakhaysan, sidaasi waxaa sheegay saraakiisha.

Sidoo kale qof saddexaad oo uu haleelay xanuunkan oo loo yaqaano listeriosis ayaa ka bad-baaday. Saddexda kiisba waxay ka dheceen gobollo kala duwan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo werinaysa in la aaminsanyahay in wasakhdaan ugu horreyn ee ka soo bilaabatay gobolka Tasmania, oo ah halka ugu badan ee laga isticmaalo kalluunka duban.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dadka uga digaya in ay iska ilaaliyaan cuntooyinka qaarkood.

Labada qof ee dhimatayba waxay da’doodu ahayd 70 sano jir. Maamulka gobolka Tasmania ayaa sheegay in dadka ka ganacsada kalluunka la dubo ay xaqiijiyin badqabka kalluunkooda ka dib markii ay soo shaac-baxeen kiisaska xanuunka listeria ee goboollada Victoria, New South Wales iyo Queensland.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in haweenka uurka leh, dadka da’da ah, caruurta iyo dadka uu difaaca jirkoodu hooseeyo ay yihiin dadka khatarta ugu jira in uu haleelo xanuunkan.

Muxuu yahay xanuunka listeriosis?

Listeria bacteria

  • Waxaa laga qaadaa cunnooyinka wasakhaysan oo ay ku jirto bakteeriyada listeria.
  • Cuntooyinkaasi waxaa ka mid ah caanaha lo’da ee aan la karkarin ama la daweyn iyo dhammaan cuntooyinka kale ee lagu daro caanaha marka la sameeynayo.
  • Waxaa sidoo kale laga helaa cuntoouinka sajalaataysan.
  • Calaamadaha xanuunkan waxaa ka mid ah qandho aad u kulul, calaamadaha hargabka, matak iyo shuban

Sannadkii hore mar uu xanuunka listeriosis ka dallaacay dalka Australia wuxuu dilay toddobo qof.

Waddamada kale ee uu xanuunka ka dallaacay waxaa ka mid ahayd Koonfur Afrika, halkaas oo ay 180 qof u dhimatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here