Waxey aheyd maalin aad u saxmad iyo mashquul badan Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho, maalin ka duwan maalmaha caadiga ah oo waxaa imaanayey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaalisan Somaliya Mr James Swan.

0
397

Waxaa kaloo jirey kulan kale oo gaar ah kuna saabsanaa arrimaha Amniga caasimadda kaas oo ay ku balansanaayeen Gudoomiye Yariisow, ku xigeenadiisa, agaasimayaal iyo inta badan Madaxda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa si sharaf iyo farxad leh usoo dhamaadey kulankii hore ee Mr James Swan la yeeshay masuuliyiinta Gobolka oo ugu hambalyeeyay xilka cusub oo qaramada midoobay ugu soo magacowday Somaliya, isaguna uu ka mahad celiyey sida diirran ee loosoo dhaweeyay.

Markii James Swan iyo wafdigiisiiba ka bexeen Xarunta Gobolka waxaa durbadiiba bilowday kulankii labaad maadaama uu waqtigu ciriiri sii noqonayo, 20 ilaa 25 daqiiqo kadib waxaa isku yimid dhamaan intii ku balansaneyd shirkan gaarka ah, aad baa loo wada daalanaa waxaase ka go’neyd iney u shaqeeyaan qarankooda iyo magaaladooda………

Nasiib darro il-biriqsiyo yar kadib waxaa hal mar la wada maqlay Jug culus oo qarax ah, ma aheyn banaanka mana aheyn xafiisyada Gobolka ee wuxuu ahaa qarax ka dhacay gudaha halkii la isugu yimid ee hoolkii shirarka.

Waa la argagaxey oo la kala cararey waxaana bilowday qeylo iyo oohin isku dhex jira oo qabsatey hoolkii oo dhan, waxeysa musiibadii ugu badneyd ka dhacday afaafkii hore ama halka ay fadhiyeen Gudoomiye Yariisow iyo madaxdii ka hooseysay ee uu la shirayey.

Wixii intaa ka danbeeyey waa taariikh muruga leh oo usoo hoyatey Umadda Somaliyed iyo Gobolka Banaadir…………………….šŸ˜­šŸ˜­šŸ˜­

Inta dhimatey & Dhaawaca rabi ha u naxariisto

(Qarax baa la dhigey & gabar baa is qirxisay)..?

XIGASHO Mohammed Deeyoo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here