Maxaa Hawada Magaalooyinka Hindiya Ka Dhigay Tan Ugu Wasakhowga Badan Dunida?

0
318

Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka taagan xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah – iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba.

The India Gate in Delhi with a lot of smog

 

Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida.

Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya.

Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan – Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida – ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo haatan ay hawadeedu tahay tan ugu wasakheysan dunida.

Sida ku xusan daraasad ay sanadkii 2018 sameeyeen Greenpeace, 22 ka mid ah 30-ma magaalo ee hawadoodu ay tahay tan ugu wasakhowga badan dunida waxay ku yaallaan Hindiya.

India's Taj Mahal with a lot of air pollution

Guud ahaan dunida, hay`adad Caafimaad Adduunka ee WHO ayaa ku qiyaaseysa in ilaa toddoba milyan oo carruur ah ay sanadkii u dhintaan iyagoo xiliiga dhalahada kasoo hormara, sababo la xiriira wasakhowga hawada – sida qiiqa haatan daboolay Delhi uu u horseedo maskaxda oo uu dhiig ku furmo, wadno istaag, cudurka macaanka, kansarka sambabbada iyo cudurrada sambabada oo ragaad ah.

Ilaa 30 milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo hareeraha caasimadda Hindiya ayaa la daalaa dhacayay qiiq muddo haatan toddobaad ka badan laga joogo, balse dhibaatadu maaha mid gudaha uun ku kooban.

Waqooyiga Hindiya, gaar ahaan webiga Ganges river ayay sidoo kale wasakhowga hawada saameyn xun ku yeelatay, xitaa dalalka Hindiya deriska la ah sida Nepal iyo Bangladesh ayaa khatar ku jira, sababo la xiriira dabeylaha xoogga ku socda ee wata habaaska iyo qiiqa ee ka gudbaya buuraha Himalaya.

Sidaas daraaddeed, maxaa hawada Hindiya ka dhigay mid xun, gaar ahaanna bilaha October iyo November?

Gubidda cawska beeraha

Gubidda cawska beeraha ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kan ugu daran ee sababa in hawada Delhi iyo waqooyiga Hindiya ay wasakhowdo.

Waa xilliga dalag gurashada, beeraleyda ayaana gubaya cawska beerta ka soo haray – taasoo ah habka ugu fudud ee ay beertooda ugu diyaarin karaan tacabka xiga.

Crops burning in a field in India

Dabeysha ayaana dhanka Delhi u soo qaadda qiiqa ka soo baxa gubidda cawska, taasoo sababta wasakhowga hawada ee aan sanad walba aragno.

Dadaallo ay dowladda ugu jirtay joojinta gubidda cawska beeraha ayaa guuldarreystay sababo la xiriira iyadoo aanan shuruucda lagu dhaqmeynin.

Hindiya ayaa ah dal ay dadkiisu inta badan ku tiirsan yihiin beeraha, cawska beeraha ayaana si ballaaran loo gubaa, gaar ahaan gobollada Uttar Pradesh iyo Haryana halkaasoo ay ku yaallaan magaalooyinka ay hawadoodu tahay kuwa ugu wasakhowga badan – marka laga soo tago Delhi.

Qiiqa gawaarida

A traffic jam in India

Qiiqa ayaa horseeday in dowladda Hindiya ay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad bulshada oo degdeg ah, la dagaallanka qiiqa gawaarida ayaana ka mid ah dhowr talaabo oo la doonayo in la qaado.

Xukuumadda Delhi ayaa sheegtay in ilaa saddex milyan oo gawaari ah ay maalin walba isticmaalaan waddooyinka magaalada. Amar lagu yareynayo tirada gawaarida waddooyinka isticmaala ayaana la soo saaray.

Gawaarida gaarka loo leeyahay, keliya gawaarida ay nambarka taargadoodu tahay kuwo dhaban ah ayaa isticmaali kara waddada hal maalin, halka kuwa kaleyna ay maalinta xigta isticmaali karaan.

The India Gate in Delhi with a lot of smog

Gaaska diesel-ka oo shidaal ahaan loo isticmaalo ayaa dhibaato ku ah dalka – qorshe ay dowladda ku dooneysay gawaari badan oo korontada ku shaqeeya ayaanan suurto gelin.

Howlaha dhismooyinka

A construction site in India

Mar walba oo uu qiiq hareeyo Delhi, dowladda iyo maxkamadaha ayaa soo saara amar ah in la joojiyo dhammaan howlaha dhismaha ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada.

Tani ayaa micnaheedu yahay in la hakiyo dhismaha kumannaanka guri, dhismooyinka dowladda, waddooyinka, dukaamada iyo buundooyinka ay dadku isticmaalaan.

Goobaha dhismaha ayaa waxaa ka soo baxa habaas saameeya magaalada. Bustan ayaa dabiici ahaan ah mid kiimiko wadata, dabeylaha ayaa soo qaada waxayna sababtaa dhibaatooyinka dhanka neefsashada ah iyo caabuqa sambabbada.

A construction site in India

Hindiya oo sid egdeg ah u kobcineysa dhaqaalaheeda ayaa isku dayeysa inaysan ka liidan dalka horumaray ee deriskeeda ah – Shiinaha- dhismaha ayaana ka mid ah waxyaabaha koboca ka qeyb qaadanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here