Gabar Soo Duubtay Muuqaal Ku Saabsan Kaamka Muslimiinta Ee Shiinaha Oo Caan Baxday

0
320

Muuqaal ay gabar u dhalatay Mareykanka soo dhigtay barta TikTok oo ay ku eedeyneyso Shiinaha inuu Mulsimiinta ku hayo xeryo ayaa ku baahay baraha bulshada ee Shiinaha.

Muuqaalka ayaa bilowgii u muuqda mid ku saabsan qurxinta – balse gabadhan ayaa markii dambe ka codsaneysa dadka daawanaya inay wacyigelin ka sameeyaan waxa ay ugu yeertay xasuuq kale.

Feroza Aziz ayaa markii dambe barta Twitter-ka ku soo qortay in TikTok uu ka xannibay inay muuqaal kale soo dhigto, sababo la xiriira muuqaalkeedii hore.

TikTok ayaase beeniyay arrintaas.

“TikTok waxna kama beddelo waxa la soo dhigo sababo siyaasadeed dartood,” ayuu afhayeen u hadlay u sheegay BBC.

Shirkadda ayaa xannibtay mid ka mid ah akoonnada Ms Aziz ee TikTok 15 November, sababo la xiriira inay soo dhigtay muuqaal ku saabsanaa argagixisanimada.

Waxay sidoo kale xirtay telefoonkeeda smartphone-ka 25 November, balse sidoo kale taasi lama xiriirin waxyaabaha ay ka sheegto Shiinaha.

BBC News ayaa la xiriirtay Ms Aziz iyo qoyskeeda si ay arrintaasi uga hadlaan.

Dhankeeda, dowladda Shiinaha ayaa dhowr jeer sheegtay in xeryaha la hadal hayo ay tababar iyo waxbarasho u fidiyaan Muslimiinta.

Ms Aziz ayaa soo dhigtay saddex muuqaal oo la xiriira sida uu Shiinuhu ula dhaqmo Muslimiinta Uighur, intii u dhaxeysay Axaddii iyo Insiintii.

Muuqaalkii ugu horreeyay waxaa la daawaday in ka badan 1.4 milyan oo jeer.

Ms Aziz ayaa muuqaalkeeda cambaareynta ah u ekeysiisa mid ay uga hadleyso sida xirribaha indhaha looga dhigo kuwo dhaadheer.

“Sidaas ayaan dhahaa si aysan TikTok u tirin muuqaalladeyda,” ayay ku tiri mid ka mid ah muuqaalladeeda.

Muuqaallada gabadhan 17-sano-jirka ah ayaa la soo dhigay isla toddobaadkii ay BBC Panorama soo saartay baaritaanno ku saabsan tallaabooyinka uu Shiinaha adeegsado ee lagu beddelo boqollaalka kun ee Muslimiinta ah ee ku sugan gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Xinjiang.

Presentational grey line

Falanqeynta weriyaha BBC-da

TikTok logo

App walba oo ka howlgala dhulweynaha Shiinaha waxaa meelmarisa wasaaradda Warshadaha iyo Tiknolojiyadda.

Baraha bulshada waxay ogyihiin inaan loo oggoleyn inay shaqeeyaan ilaa ay u hoggaansamaan shuruucda dalkaas – taasna waxaa loola jeedaa inay hubiyaan in wax walba oo la soo dhigo bartooda ay sawir fiican ka bixiyaan dowladda.

TikTok, oo gudaha Shiinaha looga yaqaanno Douyin, si aad ah ayaa loo xamakeeyaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here