Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Ka Dareen Celiyay Bilad Sharaf Lagu Maamuusay

0
613

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Ayaa Habeenimadii Xalay Ahayd Lagu Maamuusay Bilad Sharaf Taaso Ay Shacabka Gobolka Togdheer Ku Tilmaameen Abaal Badan Oo Uu Gobolka Galiyay Darteed Inuu Ku Mutaystay In Lagu Maamuuso Madashan Qiimee Qofkaaga

Hadaba Xildhibaanka Ayaa Ka Dareen Celiyay Maruu Bartiisa Facebook Uga Mahadnaqay Cid Kasta Oo Ka Qayb Qaadatay Barnaamijkan Qiimee Qofkaaga Oo Ku Dhawaad 60 Qof Oo Xildhibaanku Ku Jiro Lagu Abaal Mariyay

 

“Barnaamij Loogu Magac Daray Qiimee Qofkaaga oo ah Barnaamij Qaran oo Xaley Lagu Abaal Mariyay In Ka Badan 60 Qof Waxaana Barnaamijka Soo Agaasintay Sanadki Labaad Somaliland National Award Price oo Mualif iyo asaasaba ka yahay Cabdirisaq Cali Nuur oo mudan in la is garab tago.

Shakhsiyaadka La Abaal Mariyay Ayaa Lagu Soo Xushay Waxqabadyo Ay Sameeyeen Sanadkii Tagay Ee 2019-Kii Waxayna Iskugu Jireen Wasiiro, Gudoomiyaha Qandaraska qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xusen iyo Xildhibaano,Wariyayaal,iyo Haldooro Kale Oo Ku Suntay Quluubta Shacabka Somaliland.

Waxaana Ka Mid Aha Dadka La Abaal Mariyay aniga oo ah Xildhibaan Mubaarik Yusuf(Bidhi)

Waxan ku faraxsan ahay inan sanadkii labaad oo xidhiidha noqday dadka la abaalmariyay lagu xushay Xildhibaanka Golayaasha Degaanka Somaliland ugu waxqabadka badan sameeyay.

Waxan u mahadnaqaya dhalinyarada Somaliland National Awards Price is xilqantay hawsha soo abaabulay.

Waxan u mahadnaqaya Haldoor Zaakariye Ismaacil oo xalay soo wakiishay oo i gudoomay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here