Muwaadin Ganacsade Ah Oo Xadhig Ku Mutaystay Taageerida Xisbiga Kulmiye Mudo 10 Cisho Ahna U Xidhan Wasiirk Isgaadhsiinta Somaliland

0
379

Muwaadin Ganacsade Ah Oo Xadhig Ku Mutaystay Taageerida Xisbiga Kulmiye Mudo 10 Cisho Ahna U Xidhan Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

Dastuurka Ayaa Damaanad Qaaday In Bulshada Somaliland Guud Ahaanba U Siman Yihiin Sharciga Iyo Shuruucda Dalka U Yaala Sharciguna
Qofkasta Ka Sareeyo Loona siman Yahay Iyadoo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane muuse biixi Cabdi
Halkudhagiisu Ahaa Sharciga Ayaa Saraynaya ??? Madxwayne Ma Shaqsiga Mise Sharciga Mise Shaadhka ???
Balse Waxa Muuqata In Shaqsigu Sharciga Ka Sareeyo Kana Awood Badan Yahay Qofkasta Oo Reer Somaliland Ah Waxa Uu Xaq U Leeyahay Inuu Wax
Dacweeyo Lana Dacwayn Karo Iyadoo Eedaysanuhu Xaq U Leeyahay In Sharciga lagu hor geeyo Mudo Affar Iyo Labaatan Saacadood Gudahood ah si Ay
Maxkamada Awooda U Lihi Uga Gar Naqdo Dooda ama Garta Labada Dhinacba, Waa Dhibanaha Iyo eedaysanaha Balse Ma Qabo Sharciggu In Maxkamad La Aan Mudo 10 Cisho IYO Dheerad ah Qofku Sifo sharci Daro Ah ugu Xidhnaado Shaqsi Ama Kooxo Dano Gaar Ahaaneed Ka Leh Xadhigan Muwaadinkan La Dulmiyay ,Cadaalad Miyay Noqonaysaa Yaase Aakhiro Lagaga Xisaabtamayaa
Qofka Ama Muqaadinka Shaadhka Dawladnimo Lagu Dhibo ama logu Dulmo Maxaase Ka Dhalankara Dulmiga Lagu Gaysto Xilka Ama Shaadhka & Mansabka Xukuumadeed Ama Masuuliyadeed
Hadba Hadaan Hoos ugu Soo Dhaadhaco Dulucda aan Qalinka Ugu Qaatay Arinkani Shacab Gabiley Fajac Iyo Amakaaga Ku Noq Kaasi Oo Ah Kan Hoos Ku Xusan ,Waxa Mudo Magaalada Gabiley Sifo Aan Sharciga Waafaqsanayn Ugu Xidhan Muwaadin Xuseen Gadhyare
oo u xidhan Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdilaahi Suufi Jibriil Iyo Kooxo Kale Oo Daaha Dabadiisa Soo Taagan oo Sida la Sheegay Ay isku Hayaan Arimo Siyaasadeed,
Arinta Xadhiga Ganacsade Xuseen Gadhyare iyo u Dhaxaysa Wasiir Cabdiwali ayaa ah mid salka ku haysa sida la sheegay in wasiirku sas ka qaaday kadib
markii uu Ganacsade xuseen gadhyare shirar duceedyo la yeeshay cuqaasha iyo dadka ka soo jeeda deegaanada ay ka soo wada jeedaan labadani Mudane Waa Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdilaahi Suufi Jibriil Iyo
Ganacsade Xuseen Gadhyare , Talaabadani uu wasiirku kula Kacay Ganacsadaha ayaa Noqonaysa Mid uu ugu Quus Goynaayo Cid Kasta oo Damac
siyaasadeed ifafaalaheedu ka Soo Muuqdo oo Ka Soo Jeeda Jufadiisa . Amaba Uu Wasiirku U Arko Inuu Yahay
Qof Awood U Leh Inuu Bari Kamaalin Badali Karo Masuulkani Islamarkaasina Han Siyaasadeed Leh
Iyadoo Sida Xogo Aanu Helnay Sheegayaan in Wasiir Abdiwali Arintani Ku Noqotay Gudkaagii Biyo Makugu Soo Galeen Taas Badalkeedana Uu Kaga
Jawaabay In Uu Adeegsado Awoodi Masuuliyadeed Iyo Xilkii Qaranku U igmaday Oo Uu Ku Takri Falayo kuna Awood Sheeganayo
Waxana Xusid Mudan In Wasiirka Hawlihii Qaranku u Igmaday Uu Kaga Mashquulay Talaabooyin Uu U Arko Is Difaac Ama Difaaco Booskaga Ayaa Lagu
Socdaaye Mar Hadiiba Han Siyaasadeed Laga Sheegayo Mudane Xuseen
Gadhyare Ilaa Hadana Lama Garankaro Halka Ay Arintani Salka Dhigi Doonto Ganacsade Xuseen Gadhyare Ayaa Kamid ah Dadka Magaca Iyo Maamusta Ku Dhexleh Bulshada Somaliland Gaar Ahaan Gobolka Gabiley Iyo waliba Kuwa reer
somaliland ee Dalka Dibadiisa Ku Sugan.
Sidokale Xuseen Gadhyare Waxa Uu Kamid Yahay Dadka Faro Kutiriska ah ee Dalkooda Dib Ugu Soo Laabtay Si Ay U Maal Gashadan Islamarkaasina Goobo
Ganacsi Uga Furtaan Dalka Ugana Faaideeyan Bulshada Somaliland Aqoontii Iyo Waayo Aragnimadii Ay Kusoo Arkeen Wadamada Horumaray Galiyaana
Dalkooda Hantidii Ay Mudada Dheer Kusoo Tabcayeen Waxa U Baahan in La Sheego In Ganacsade Xuseen Gadhyare Uu Kamid Ahaa Dadkii Wakhtiga Iyo Maalkaba U Huray Tartankii Doorashooyinka Ee Uu Ku Guulaystay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Kaalin Lama ilaawanana Ka Ciyaaray Keenistii Cododkii Guushu Ku Raacday Xisbiga Kulmiye Sababayna Hogaaminta Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi
Wasiir Abdiwalow Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Godo Guntii iyo Gabo Gabdii waxaan Fariin u dirayaa Madxwaynha Somaliland Muuse
Biixi oo aan Leeyahay Dalka Sharci Si Kale Loo Akhristay Ayaa Ka Socdee ee Halku Dhagaagii Ma Wuxuu Ahaa Shaqsiga Ayaa Saraynaya ??? Sabobta aan Hadalkan U Leeyahayna Waa Mid U Bulshadu Inta Badan Is Waydiinayso Jawaabteeda Waana Mid Looga Fadhiyo Madaxwaynaha Qarankana,ee uu Kitaabka Quraanka Ugu Dhaartay In Uu Daacad, Sinaan ,Iyo Cadaalad ,Ugu Shaqaynayo Umada Reer Somaliland Guud Ahaanba.
Hargeisa Office Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here