Boqol Jir La Gudoonsiiyay abaal marin aanu filanayn

0
512

Ra’isal wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa Kabtan Tom Moore si gaar ah ugu soo xushay abaalmarin in la guddoonsiiyo dadaalka lacag uruurin uu u sameeyey hay’adda bixisa adeegga caafimaadka qaranka ee Britain NHS.

Odaygan oo ay da’diisu 100 jirka tahay ayaa hay’adda bixisa adeegga caafimaadka qaranka ee Britain NHS ku deeqay lacag dhan £32 malyan oo gini.

Tom oo ka mid ahaa geesiyada dagaalka labaad ee adduunkaee dalka Britain dhul uu lahaa wuuu ku diyaariyey 100 shey baadh ka hor inta ay bisha April uu da’diisu 100 jirsan.

Boris Johnson wuxuu sheegay Kabtanka Tom dadaalka uu u galay dalkiisa darteed in loo diyaariyey abaalmarinta Sir loogana yeeri doono Kabtan Sir Thomas Morre si waafaqsan darajooyinka ay bixiso wasaaradda gaashaandhigga Britain.

Abaalmarinta Kabtankaasi la guddoonsiinaya oo ay ansixin doonto boqoradda Ingiriiska ayaa si rasmi ah loo shaacin doonaa Arbacada maanta.

Kabtan Tom, ayaa darajada Korneelka loo dallacsiiyey xilli uu u dabbaal dagayey xafladdiisa dhalashada ee 100-aad.

Wuxuuna Tom lacagta uu NHS ku deeqay ee dhan £32,794,701 gini uu ka soo uruuriyey taageerayaal gaadhaya nus malyuun.

Warmurtiyeed uu Boris Johnson soo saaray ayuu ku sheegay Kabtan Tom: “waa deeq bixiye rekoorka deeq bixiyeyaasha jabiyey, wuxuuna sharaf iyo cizi uu u soo hooyey dalka oo dhan”.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dadki qaybta ka ahaa waxqabadkiisa, waxaan doonayaa inaan mahad aad u weyn halkan uga jeediyo. Waana hanti qaran uu dalka Britain haysto” ayuu yiri.

Madaxa xisbiga Labour ee dalka Ingiriiska Sir Keir Starmer oo u hambalyeeyey Kabtan Tom wuxuu sheegay “malaayiin qof ayuu dhiirrageliyey wuxuuna dhammaanteen naga caawiyey inaan u dabbaal degno guusha ay gaartay hay’adda NHS”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here