Hadaaqa iyo riyada beenta ee Farmaajo

0
515
waxa kuu abada ah siidhigaa ay kugu afuufeen goleyaal-ku- sheegaagu.f

Waxaan jirin baad ka sheegtaan markasta wadahadalo aan waxba ka jirin, cid kuu ballan qaaddayne ma jirto, Marin-habaabin iyo doorashaaad ku gasho ayaad uga jeedaa, dhuuni-raacayada dhiiggii dadkooda dallaalayaa cid ma matalaan, waxaad tihiin dawlatul khayaal. Kitaab baad dhaar midigta saarteen inaad ilaa xadka jibouti aad xukuntaan dadkiina been baad la horjoogtaane, bal hala idin eegee, car bal mar uun meel ka mid ah carriga Somaliland cagaha soo dhig.

Ballantu waa goob-jooga “United nations” iyo dawladaha waaweyn oo garta dhagaysta goob loo dhan yahay.

goormaad dadka Somaliland walaalo noqoteen, cadaw baynu nahay hadaanad ogayn. midnimada aad ku hadaaqdaan, iyo somaliweynta aad sheegtaan waatii dhimatay ee aabbaheed goblamay lixdankii, waydii jabuuti bal inay ku aqbalaan, NFD iyo dadk deegaanka somalida Ethiopia.

Somaliland kuwaa ayeykuula siman tahay, adiga iyo wasiiradaadu laba file baad kala sidataan, waayo waxan la yaabay midsaaka arortii hore mediaha wax ku soo qorqoray oo cuna-qabateyn uun laga raacay, maanta waxa uu ka hadlaayey dekedda berbera ee Somaliland, iyo shaqada duwaliga ah ee imaraatka iyo jamhuuridda Somaliland ka dhexaysa, wax taaga ah haddaad u hayso waxba ha iskula hadhin, iska hadlow ina igarre, hortaa jireba waa.

Sasabada dhallaankee suul-cayn iyo dhegdheerlee markaan qaydka sidaniyo seban layna bari jiray ma run baa salkeedii mise sebiga uun baa lagu seexin jiay waa. (Qays)

Waar ma carruur baa la sasabayaa, waxa uu ku hadaaqay waa caqliga foorara garashadiisa iyo inta ay gaadhi karto, wax taarikh ah oo ay ka hayaan adduunkii rogmaday ma jirto

Ma maanta ayaad walaal iyo Somali ka hadlaysaa, waanu walaalo nahay inta Somaliland ah iyo inta kale ee aanu nabad-wedaaga leenahay Somali.

Waxba hay maslaxan waa horaan maanka jaraye.

Ali samater oo Hoggaminayey

xasuuqii, dhiig-miiradkii, umula-dooxii, burburintii een waxba loola hadhin Somaliland markii morgan (Abdi-bile) cagaha wax ka deyey, taliye hiisii oo afweyne ka amer qaataa, wuxuu amar ku bixiyey in magaalooyinkaSomaliland iyo miyigaba gaar ahaan inta ay deggaan dadka reer sheikh Isaxaaq, in guri guri, seked seked, to house to house, dhulka lamala simo, oo nooc kast oo hubku leeyahay aan loo meel deyin. Waanay dhacday cadawtinimaas,si baaxad leh.

Hadaladiisii waxa ka midahaa Wareysigii BBC English; I was the highest ranking ordered to bumb Hargeisa.

Kuwan joogaana kaba sii caqli liitee, waa hadhaagii, iyo aarankii ubaxii kacaanka oo ka madhan milgihii dawladnimo.

Waa eeladii ayaxii tegay;

Ayax degey hadduu meel ka kaco eelo kugu reebyeh, wuxu aasay waagii beryey ogax-dillacaane (A. banfas)

Bal inay wax dareeman:

Kuwa nabadda inay doonayaamn dunida gaadhsiiyey,

dar kaloon aqoon bay wiglada ula dan leeyiine

midhaa daado iigama fadhiyin dib u heshiisiine,

Israaiila (Isra’el) waa loo dalbaday dabar go’aygiiye,

Dab wax guba, dabaabad, iyo jiib(jeeb)doobta ka higgooda,

wixiiyoo diyaaradu onkoda nala dul gowdhiidhshay,

Intay dawlad tamarteedu tahay waa la ii duraye

Sidii duur la gubay bay khalqiga qaraf ku daareene,

Nina iima diir nixin markaan daalanaa shalaye,

Anigaa daruuraha u koray roobkan ii da’aye,

dhulka cidi ma daaqdeen siday damacsanaayeene,

Rabbi doobirtii iyo rag baa laga doogaaye. ( Abw. Gaarriye)

Hadal isagaa iska badane waxaan maanta ku soo koobyaa intaa iyo ereyadan( Abu hadre)

Gebogabo rag lagu keenay baa layga gadayaaye.

Dibjirkii gidaarrada hurddaa laysu soo guraye.

Geshigayga way dhaqan yihiin gaasas qabay,

Weli guri dugsoon bay horddaan ganacyo-weyntiiye.

La soco haddii Allah ka dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here