Kathy Sullivan: Haweeneyda tagtay hawada sare iyo badda salkeeda

0
495

Haweeney cirbixiyeen ah oo horay uga tirsanaan jirtay hay’adda howlaha hawada sare u qaabilsan Mareykanka ee Nasa ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee u safray hawada sare sidoo kalena gaaray meesha ugu hooseysa ee laga yaqaanna salka badda.

Dr Kathy Sullivan waxay taariikhdan cusub sameysay maalintii Axadda, kaddib markii ay masaafe dhan 35,810-foot hoos u mukhuurtay badda.

Arrintaas waxaa u suurtagaliyay shirkadda lagu magacaabo Challenger Deep ee ka howl gasha xarunta badweynta ee ku taalla Mariana.

“Waxaan dareemay sidii inaan ahay noole qalaad oo tagay duni kale oo uusan lahayn, waxaana arkay sagxadda badda oo u eg sida dusha sare ee dayaxa. Waxay ahayd arrin xasuus mudan,” ayey tiri haweeneydan 68 jirka ah, oo la hadleysay BBC-da.

Waxay noqotay qofkii siddeedaad, ahna haweeneydii ugu horreysay ee gaara salka hoose ee badda, oo ah meel 11km ka hooseysa sagxadda badweynta Pacific.

Dr Sullivan waxay muddo hal saac ah ku sugneyd badda salkeeda, iyadoo ku dhex jirtay qalab biyaha mukhuurta oo loogu talagalay inuu dhex maro cadaadista biyaha xoogga badan.

Waxay cilmi kasoo aruurineysay meelaha ugu hooseeya ee badda. Victor Vescovo, oo ah maa-gashade dhawaan noqday qofkii ugu horreeyay ee salka badda gaaray, ayaa wehlinayay Sullivan.

Investor and explorer Victor Vescovo and Dr Kathy Sullivan

“Waligey kuma fikirin inaan maalin uun heli doono fursadda noocan ah, ama inuu Victor isoo raadin doono si aan ugu wehliyo safarkan cajiibka ah,” ayey tiri Dr Sullivan.

Biyaha badda ee ay salka hoose ku tageen waxay ahaayeen qabow baraf, mana jirin wax iftiin ah oo ka caawinayay inay si dabiici ah wax u arkaan.

Cilmi baareyaasha ayaa hadda uun baranaya waxyaabaha ka jira halka ugu hooseysa ee badda.

Mukhuuristii ugu horreysay ee salka badda Mariana lagu tago waxaa sanadkii 1960-kii sameeyay Don Walsh, oo ahaa xiddigle ka tirsan ciidamada badda Mareykanka iyo Injineer u dhashay Switzerland oo lagu magacaabi jiray Jacques Piccard.

Waxay isticmaaleen markab gujis ah oo la oran jiray bathyscaphe.

Dr Sullivan during a space walk from the shuttle Challenger in 1984

Nus qarni kaddib waxaa taariikhdaas galay James Cameron, oo ah nin filimada haga. Sanadkii 2012-kii ayuu tagay badda salkeeda.

Mukhuuritaankan ugu dambeeyay wuxuu qeyb ka yahay howlgal cilmi badan looga soo ogaanayo meesha ugu hooseyso ee badweynta.

Sullivan waxay cirbixiyeen ka tirsan Nasa noqotay sanadkii 1979-kii. Sanadkii 1984-kii ayey taariikhda ku gashay inay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Mareykan ah oo ku dhex lugeysay hawada sare.

The Limiting Factor LF, an ultra deep-diving submersible, just above the ocean

Ka hor inta aysan cirbixiyeen noqonin, Dr Sullivan waxay dhammeysatay waxbarashadeeda diktoorada, taasoo ay ku qaadatay cilmiga seyniska dhulka la xiriira ee loo yaqaanno geology-ga, iyadoo ka qalinjabisay jaamacadda Dalhousie.

Xilligaas waxay howlgallo badan ka sameysay dhinaca badda, si ay u aruuriso cilmi dhinaca taariikhda dhulka ah.

Markii loo soo bandhigay fursadda ku saabsan inay ka qeyb qaadato cilmibaarista badda salkeeda la xiriirta, Dr Sullivan durba way aqbashay.

Dr Sullivan hanging from a winch over the ocean

Rob McCallum, oo ka mid ah dadka aasaasay howlgalka cilmibaarista, kana mid ah khubaradii qabanqaabisay safarka badda salkeeda lagu tagay, ayaa sheegay Dr Sullivan ay tahay qof si weyn ugu dooda xuquuqda badaha caalamka.

“Aad ayey hammi iyo khibrad ugu leedahay inay sii badiso cilmiga laga ogyahay badaha, iyadoo adeegsaneysa tiknoolojiyadda casriga ah ee la gaaray,” ayuu yiri.

Markii ay Dr Sullivan iyo Victor Vescovo soo gabagabeeyeen mukhuuritaankoodii, waxay la xiriireen saldhigga hawada sare, oo ku yaalla meel 400km ka sarreysa halka uu ku egyahay meeraha dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here