Tijaabada Tallaalkii Oxford Ee La Hakiyey Oo Dib Loo Bilaabayo

0
469

Tijaabada tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska.

Salaasadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la baadhayo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn taban oo ba’an oo tallaalka la xidhiidhiyey.

Laakiin Jaamacadd ayaa Sabtidii sheegtay in ay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada.

Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada.

“Hakintaasi waxay muujinaysaa in aanu had iyo goor ba badbaadada muhiimadda koobaad siino. Taageero buuxda ayaan u fidinaynaa saynisyahannada si ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan tijaabada oo loo helo tallaal bed qaba” ayuu yidhi.

Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay ” filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen”.

Waxay se intaa ku dartay in daraasaadkii lagu waday tallaalka iyo tijaabadu dib u bilaabmi doonaan iyada oo la raacayo talo bixinta ay soo jeediyeen guddi madax banaan iyo sidoo kale wakaaladda Ingiriiska u qaabilsan la socodka dawooyinka iyo agabka caafimaadku.

Maxaa hakinta sababay?

Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go’an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

 

In ka badan 10’000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani.

Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka.

Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara’aha ba’an ku haya caalamka ee Corona.

Waxaa caalamka guud ahaan imika tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska Corona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwan.

Balse tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ayaa la rumaysan yahay in uu yahay midka ugu hormarsan.

Halkay marayaan dedaaladda kale ee tallaal lagu baadi goobayaa?

.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in talaalka feyriska Corona uu diyaar noqdo ka hor doorashada 3 bisha November.

Balse hadalkiisa ayaa waxaa ka dhashay walaac ku aadan in laga yaabo in mudnaanta la siiyay siyaasadda oo aan la eegin badqabka talaalka.

Talaadadii koox shirkado ah oo ka kooban 9 islamarkana ku howlan sameynta tallaal Covid-19 ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay iyaga oo ku dhawaaqay “ballanqaad taariikhi ah ” oo ku saabsan in la dhowri doono anshaxa tayada iyo heerka marka la baadigoobayo talaalka.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wai la dhameystirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here