Sarkaal Feedh La Dhacay Nin Madow Ah Oo Shaqadii Laga Eryay

0
280

Booliska gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shaqada laga ceyriyay sarkaal boolis ah kaddib markii uu kusoo baxay muuqaal muujinaya isaga oo dhulka ku tuuraya nin madow ah isla markaana dharbaaxaya.

Muran kaddib, waxay booliska isku dayeen inay xiraan ninka madowga ah.

Muuqaal la baahiyay wuxuu muujinayaa labo boolis ah oo gacanta ku haya Roderick Walker halka midkoodna uu dharbaaxaya ama uu feerayo.

Bayaan kasoo baxay xafiiska booliska degmada Clayton ayaa lagu yiri “Sarkaalkii sida weyn u garaacay Roderick Walker wuxuu waayaya shaqadiisa kaddib markii uu awood xaadh ah adeegsaday.

Roderick Walker oo 26 jir ah, wuxuu saarnaa baabuur xilligii ay booliska qabanayeen kaddib markii lagu eedeeyay in gaarigii uu la socday uu nalka dambe ka jabnaa.

Waxay arrintani jimcihii ka dhacday meel u dhaw garoonka diyaaradaha Hartsfield-Jackson Atlanta xilli Mareykanka ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay tacaddiyada ay geystaan booliska iyo falalka cunsurinimada ah.

Qareenka u doodaya Walker wuxuu sheegay in macaamilkiisa uu la socday gaari isaga iyo saaxibtiis, wiil uu dhalay iyo wiil saaxibtiisa ay dhashay xilligii ay qabanayeen booliska.

Booliska waxay ninka madowga ah weydiyeen in uu tuso aqoonsiga uu ku kaxeynayay baabuurka, xilliggaasina ma uusan wadin baabuurka, waxaa sidaas yiri, qareenkiisa oo ay soo xigatay warbaahinta ABC.

“Wuxuu u sheegay in uusan heysan aqoonsiga lagu kaxeeyo baabuurta isla maarkaan looga baahneyn maadana uusan kaxeyneyn baabuurka”

Qareenkiisa wuxuu sidoo kale sheegay inay murmeen kaddibna ay lagdeen, “Wuxuu ku sigtay in uu dhinto, wey xireen”

Wuxuuna ka dhawaajiyay in macaamilkiisa uu labo jeer uu miyir daboolmay balsa wuxuu beeniyay in uu qaniinay sarkaalka.

Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada waxay muujinayaan Roderick Walker oo uu ka muuqdo dhawaac dhinaca isha ee wajigiisa.

“Dareenkeyga ku aadan muuqaalka wuxuu yahay, in nasiib darro ay tahay in aad aragto dhacdo dadka madowga Amerikaan ah ay ku xadgudbayaan xuquuqdooda dad iyo saraakiil sharciga qaabilsan kuwaas oo ay shaqadoodu tahay inay u adeegaan shacabka oo ay ilaaliyaan” ayuu yiri Mr Williams.

Mr Walker waxaa loo heystaa in uu hor joogsaday saraakiisha iyo uu geystay qalalaase, sida ay ku warrantay ABC.

Qoyska iyo qareenada ninkan madowga ah waxay doonayaan in lasoo daayo.

Bilihii lasoo dhaafay Mareykanka waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo tacadiyadda booliska gaar ahaan sida booliska ay ula dhaqmaan dadka madowga ah.

Bishii May ayay aheyd markii George Floyd uu ku dhintay Minneapolis kaddib markii sarkaal boolis ah uu qoorta ka saaray jilibka.

Waxayna dhimashadiisa horseeday dibadbaxyo ballaaran oo ka dhaca meelo badan oo ka tirsan caalamka.

Dhawaan ayay aheyd markii booliska ay dhabarka xabado kaga dhufteen Jacob Blake oo ahaa nin madow ah oo uu dhaawac soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here