Hogaamiyayaasha Afrika Oo Wada Dadaalo Lagu Joojinayo Dagaalka Itoobiya

0
248

Hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan dowladda Itoobiya inay aqbasho in la bilaabo geedi socod dhexdhexadin ah oo lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigrey.

Hogaamiyaashan ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago in dagaalka uu ku sii fido guud ahaan gobolka.

Madaxwaynaha dalka Ugandan, Yoweri Museveni, ayaa wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria , Olusegun Obasanjo, oo isagu u yimid si geedi socodka uu ugu biiro.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenya aya sidoo klae codkiisa ku biirayay baaqyada ku aadan in si qaab nabadeed lagu xaliyo dagaalka dalka Itoobiya ka socda.

Balse dowladda Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in howlgalka lagu soo ceelinayo sharciga uu sii socon doono.

Waxaa sidoo kale uu rai’sul wasaare Abey ku gacan seyray baaqyada ku aadan in wadaxaajood lagu xaliyo dagaalka.

Muuqaal laga soo duubay caasimadda Tigrey ee, Mekelle, ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhowr dhismo, waxyar uun ka dib markii ay dulmareen diyaaradaha dagalka ee Itoobiya.

Boqollaal qof ayaa ku dhintay dagaaladan u dhaxeeya dowladda fedaraalka ee Itoobiya iyo xoogagga Tigrey .

Dhanka kale waxaa sii kordhaya tiradda dadka ka qaxaya dagaalada ka socda dalka Itoobiya.

Tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay labo toddobaad ka hor waxaa dalka Sudan gaaray 20,000 oo qof oo dagaalada ka soo qaxay.

.

Saameynta ballaaran

Rashiid Cabdi oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika ayaa sheegaya in durbaba colaaddani ay tahay mid gobol.

“Suudaan ayaa hadda ku lug leh, xilliyada qaarna waxaa laga yaabaa in waddamo kale oo gobolka ku yaal ay ku lug yeeshaan iyo xitaa kuwo ka baxsan gobolka sababtoo ah, gobolkaasi waa mid muhiim ah.”

Waxa uu sidoo kale rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay colaaddani qeyb ka tahay maadaama ay xudduud dheer la leedahay gobolka Tigreeda.

Taariikh ahaan Eritrea waxay xiriir aad u xun la lahayd TPLF, waxayna colaadda ka yeelan kartaa dano iyada u gaar ah. Sidoo kale madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa sidoo kale xulufo la ah ra’iisalwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Shaki kuma jiro in weerar kastaa oo dowladda Eritrea ay ka geysato xudduuda woqooyi ee ay la leedahay Tigreeda uu furi doono furin kale balse ilaa iyo haatan mas’uuliyiinta Eritrea waxay beeniyeen in ay ku lug leeyihiin colaaddan.

Sidoo kale waxaa jira halis ah in xoogga iyo cududda ay dowladda Itoobiya isugu geysay gobolka Tigreeda uu wiiqi karayo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa durbaba Soomaaliya kala baxday 600 oo askari, inkastoo ciidamadaasi aysan qeyb ka ahayn kuwa hawlgalka midowga Afrika ee Amisom.

“Haddii ay xaaladda ka sii darto oo Abiy Axmad uu ku khasbanaado in uu ciidamadiisa kala baxo hawlgalka AMISOM, taa waxay noqoneysaa arrin halisteeda leh… waxay arrinatasi Al-Shabaab fursad u siin doontaa in ay dib isu soo abaabulaan,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Kooxda xasaradaha caalamiga ahi ee ICG ayaa iyana sheegtay in haddii aan colaaddaasi si deg deg ah loo xallin ay halis weyn ku noqon doonto Itoobiya iyo guud ahaan geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here