Wasiirka Amniga oo soo bandhigay shaqsigii watay Alshabaabkii weeraray Xalay dhuusamareeb

0
359

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xassan Cabdinuur daad “Carey’s” kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Horjoogahan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal kusoo tuuraan Caasimada ayaa laga daaweynayaa dhaawac kasoo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta kusoo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay Wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada GorGor ee howlgalkan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here