Halkan ka akhriiso WARBIXIN : DUGSIGA DHAGOOLAYAASHA EE BOORAMA

0
471

Waxa aanu dhawaan safar qaatay hal todobaad ku marna dugsiyada dadka maqalka ka naafada ah ee gobolada bari ilaa galbeed ee Somaliland kuwaas oo aanu ku gaadhsiinay agab waxbarasho oo aanu ugu talo galnay inay wax ku bartaan ardayda maqalka ka naafada ah ee wax ka barta dugsiyadaasi socdaalkan oo side kale ay ujeedadiisu ahayd sidii aanu ugu kuur geli lahayn xaalada dugsiyada dadka aan waxmaqal ee goboladaaas,ardayda iyo camal la’aanta haysata dhalinyarada maqalka ka naafada ah ee sommaliland .
Ardayda dugsiyaasi gobolada bariga iyo galbeedka wax ka bartaa ee maqalka ka naafada ah intooda badan waxa ay ka yimaadeen gobolada ku xeeran gobolka ay ku taalo goobta ay wax ka baranayaan:
DUGSIGA DHAGOOLAYAASHA GOBOLKA AWDAL EE MAGAALADA BORAMA
………………………………………………………………………………………………………………………………
ardayda wax ka baranaaya dugsiga dhagoolayaasha ee gobolka awdal ee magaalada boorama waxa ay iskaga yimaadeen deegaano aad uga fog fog gobolka oo ay ka mid yihiin deegaanda Abaarso, arabsiyo, Dila,gabiley, baki , boon, taxana ilaa saylac iyo sidoo kale deegaanada ku yaala xuduudaha ay Somaliland la wadaagto dalka itoobiya sida ay noo xaqiijiyeen arday aanu ku bookhanay dugsiyadooda boorama, waxa kale oo iyaguna ardayda ka mid ahaa arday ka soo gudbay dhinaca xuduudaha iyo gobolada bariga ee Somaliland, ardaydani waxa ay wakhtigooda inta badan ay ku qaataan waxbarashadooda iyagoo seexda goob boodhin ah oo aan waxba ka fogeyn dugsigooda isla markaana uu maamulo hoostagtana dugsiga dhagoolayaasha ee boorama inkastoo anay ahayn goob daboolii karta baahiyahooda aasaasiga ah ee lagama maarmaanka ah isla markaana aan qaadi Karin xadi ka badan inta loogu talo galay.

Run ahaantii marka aad eegto ardayda meesha wax ka baranaaya una kuuurgasho xaaladooda guud waxa aad dareemaysaa inay arday aad u yar yar oo da’ ahaan u dhaxeeya7 jir ilaa 12jir ay u badan yihiin inkastoo ay jiraan kuwo waaweyn oo goobta ay wada joogaan ( boodhinka) waxa kale oo aad wajigooda aad ka akhrisaynaysaa inay ka muuqdaan dayacaado badan kuwaas oo ay ka mid yihiin helitaanka cunto nafaqo leh, dawooyin, daryeel caafimaad, saabuun, hu, dhaxanta celiya sida funaando, koodhadha ama dhar adag, goyaal ama bustayaal ama ay ku adag tahay helitaanka agabka waxbarashada sida buugaagta “excirse books” , qalimaanta , direyska (school uniforms) iyo sidoo kale agabka ciyaaraha ee wakhtiyada ay jaaniska u helaan maandaama aanay haysan cid kale oo ay goobta u joogaann waxbarasho isla markaana cida keliya ee ay weheshadaan tahay maamulka iyo macalimiint dugsiga ee gacanta ku haya goobta ay joogaan isla markaana aanay jirin cid taageero u fidisa ama wax garab ah siisa marka laga yimaado boorashka saddexda wakhti ay quutaan iyo saabuunta maydhashada oo ay si joogto ah u helaan maandaama aanay waxtaageero ah oo sidaa u weyn aanay dawladu ka geysan daryeelka iyo ilaalinta ubadka maqalka ka naafada ah ee gobolkaas sida uu noo xaqiijiyey maamulaha dugsigaasi, dugsigan oo ah dugsigii ugu horeeyey ee dad dhego la’ wax lagu baro isla markaana ay gaar uleeyihiin ee laga furo jamhuuriyada Somaliland kaas oo markii ugu horeysay laga furay sanadkii 1997-kii deegaanka waxbarashada ku haboon ee boorama isla markaana ah aabaha waxabarashada iyo tacliinta Somaliland kana soo baxaan inta badan waxgaradka iyo aqoonyahanka jamhuuriyada Somaliland isagoo sidoo kale dugsigani ah hooyada iyo aabahaa dugsiyada dadka maqalka ka naafada ah ee Somaliland maandaama uu yahay halka ay ka abqaalmeen dhamaan dugsiyada kale ee jamhuuriyada somlailand ee ay wax ka bartaan bulshada aan wax maqal.
Dugsigani waxa uu leeyahay nidaam jaranjaro waxbarasho oo aan kala go’ lahayn oo ah in markka uu ardaygu uu ka baxo dugsigiisa hoose dhexe uu u gudbaayo Dugsiga sare ee sh, Cali Jawhar halkaas oo loogu sii diyaariyey turjumaano u heegan sidii uu casharka u fahmi lahaa uguna turjumi lahaayeen iyadoo la ilaalinaayo hankiisa waxbarasho iyo gaadhista himiladiisa mustaqbal ee mustaqalka isla markaana uu raacaayo jaranjaradaas ilaa heer jaamacadeed, marka uu ka gudbo fasalka afraad ee dugsiga sare waxa uu hadana hore ugu sii shiidaalsanayaa jaamacada caanka ah ee camuud halkaas oo iyadana hada loogu diyaarinaayo adeegyada turjumaada casharada oo heer jaamacadeed ah maandaama aanay hore u jirin balse ay lacag la’aan ku baran jireen jaamacada kana qalin jebiyaan arday badan oo hada qaarkood ka hawl galaan xafiisyada dawlada ee magaaalada Hargeysa.
Nidaamkan waxbarasho ee jaranjarada ah , tixgelinta la tixgelinaayo shaqsiga aan wax maqlayn , waxbarashada lacag la’aanta ah ee ilaa heer jaamacadeed ah iyo helitaanka turjumaano joogto ah oo u heelan waxbarashada ardayga maqalka ka naafada ah waa habab ka mid ah hababka ay kaga horeyaan boorama dugsiyada kale ee dadka maqalka kanaafada ah ee Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada ee lagu dhiig miirtay dhalinyaradda dhegaha la’a iyo qoysaskooda danyarta ah isla markaana ardayga dugsiga hoose lagagaga qaadayo 30 dollar bishii. Nidaamkan oo boorama u noqday nidaam iyaga u gaar ah oo ay ku kasbadeen sumcad iyo magac wanaag.

SOO JEEDIN
……………………………………………………………………………………………………………………………….

Waxaan u soo jeedinayaa dhamaan masuuliyiinta dawlada jamhuuriyada Somaliland iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, shacabka, ganacsatada, haayadaha iyo ururada bulshada iyo sidoo kale qurbojoogta jamhuuriyada Somaliland kuwo maqalka qaba iyo kuwa maqalka ka naafada ahba meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibedba inay isgarab taagaaan ubadkaas yar yar ee manta u baahan garabqabashada .
Qurbojoogata maqalka ka naafada ah waxaan iyagana si gaar ah ugu boorinayaa inay kaalin mugle ka qaataan u gargaarida iyo kaalmaynta ubadka yaryar ee aan wax maqal isla markaana ay xil iska saaraan sida ay ubadkooda daryeelkiisa xilka iskaga saaraan.

ALLAA MAHAD LEH
KHAALID CALI XUSEEN
GUDOOMIYAHA URURKA DHAGOOLAYAASHA SOMALILAND
Soda.org2016@gmail.comdhaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here