Ingiriiska oo Dhalashadii kala noqday Xaaska Madaxweyne Dunida Caan ka ah

0
795

Wasaarada Arimaha gudaha dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay Sharcigii ama dhalashadii dalka Ingiriiska kala laabteen Xaaska Madaxweynaha dalka Siiriya haweeneyda lagu magacaabo Asma Fauaz Al Akhraz .

Asma Fauaz Al Akhraz iyo Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa is guursaday sanadkii 2000-kii , waxeeyna u dhashay 3 Caruur ah, lamaanahan ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyo xariir aad u qoto dheer.

Xaaska Madaxweyne Bashaar Al Asad oo dhalashada dalka Ingiriiska heesatay waxaa lagu soo eedeeyay inay si bareer ah ula safatay Madaxweyne Bashar Al Asad oo tacadiyo dagaal ka sameeyay gudaha dalka Syria .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here