Dowlad Afrikaan ah oo ka gil-gilatay xasuuqii lagula kacay muslimiinta Rohingya, maxkamadda adduunkana la tiigsatay Myanmar

0
367

Gambia oo ah dal yar oo ku yaal galbeedka Afrika ayaa dacwad ah in dalka Myanmar uu xasuuq kula kacay qowmiyadda Rohingya ka furay maxkamadda cadaallada adduunka.

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay magaalada the Hague ayaa sida caadiga ah go’aan ka gaarta muranka u dhexeeya dalalka.

Sanadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa shaacisay warbixin ka hadlaysa colaadda Myanmar, waxaana lagu sheegay in saraakiisha milateriga dalkaasi ay mudan yihiin in maxkamad loo soo taago xasuuqa dalkaasi ka dhacay.

Dowladda Myanmar ayaa beenisay in milaterigeedu geystay tacaddiyo noocaasi ah.

Hawlgalkii ay milateriga Myanmar sanadkii 2017 ka fuliyeen gobolka Rakhine ayaa waxaa ku dhintay kumannaan Rohingya ah, halka in ka badan 700,000 oo qof ay u barakaceen dalka deriska la ah ee Bangladesh.

Guddiga Qaramada Midoobay ay u saartay xasaradda Myanmar ayaa bishii August 2018 sheegay in milateriga dalkaasi uu ku kacay xadgudubyo aan loo qiil-dayi karin, ayna ka mid yihiin dilal aan kala sooc lahayn, kufsi iyo tuulooyin dhan oo dab la qabad siiyay.

Myanmar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warbixinta. Waxa ay mar kasta ku adkeysataa in hawlgalka lagu beegsaday dagaalyahanno mintidiin ah.

Sanadkii hore dacwad oogayaasha maxkamadda dembiyada adduunka – oo inta badan baarta eedeymaha dembiyada dagaal – ayaa gal dacwadeed hordhac ah u furtay tacaddiyada loo geystay qowmiyadda Rohingya ee Myanmar.

Balse maadaama Myanmar aanay kamid ahayn dalalka saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamadda, ayaa waxaa adkaaday sharci ahaanta kiiska.

Maxay tahay dacwadda Gambia?

Gambia ayaa Isniintii dacwadda ka furtay maxkamadda cadaallada adduunka, waxaana dalkaasi Muslimka ah uu taageero ka haystaa Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ku mideysan yihiin 57 dal iyo koox qareenno caalami ah.

Gambia iyo Myanmar ayaa kamid ah saxiixayaasha xeerka ka hortagga xasuuqa ee sanadkii 1948.

Gambia ayaa maxkamadda ka codsatay inay Myanmar ku amarto in si degdeg ah ay “u joojiso tacaddiyada iyo xasuuqa ka dhanka ah shacabkeeda Rohingya”.

Abubakar M Tambadou, wasiirka garsoorka ee Gambia, ayaa dedaal badan ku bixiyay dacwaddan. Waxa uu horay uga shaqeeyay maxkamadda gaarka ah ee baaraysay xasuuqii Rwanda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here