Madaxweyne iska casilay iminka xilki oo magangelyo ka helay dalka.,

0
330

Madaxweynihii xilka iska casilay habeen hore ee dalka Bolivia Evo Morales ayaa shaaca ka qaaday in uu magangelyo-siyaasadeed ka helay dalka Mexico ee ku yaal isla qaaradda Ameerika.

Evo Morales ayaa bartiisa twitterka kula wadaagay warkan shacabka, waxaana uu kusoo lifaaqay sawir muujinaya isaga oo maro hoosteeda jiifa, kuna hoos qoray “Sidaan ku baryay habeenkii ugu horreeyay ee aan xiilka madaxweyne ka dagay”.

Waxa uu sheegay in uu dalka uga tagayo arrimo siyaasadeed darteed, laakiin uu dib usoo laabanayo isaga oo nastay oo walina enerji haya.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda dalka Bolivia Marcelo Ebrard ayaa xaqiijiyay in uu madaxweynihii hore dalka ka baxay islamarkaana diyaaradi u qaaday dalkaasi Mexico.

Is-casilaadda Morales ayaa timid kadib markii ay warbixin soo saareen kooxdii la socotay doorashooyinka dalkaasi ee uu kusoo baxay Evo Morales, iyagoona sheegay in doorashadiisaas ay ku dhex arkeen “mad-madow” badan.

Doorashada uu dib ugu soo baxay ayaa waxaa ay dalka Bolivia ka dhacday 20-ka bishii eynu soo dhaafnay ee Oktober.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here