Dhibaatadii Nebi Muxamed (NNKH) la kulmay markii reer Makkah ay si weyn u dhibeen, isla markaana uu ka daalay dadaalkii uu ugu jiray hanuunintooda, Alle wuxuu ku sharfay safarkii weynaa ee Israa’ iyo Mi’raaj. Habeenkaas barakaysan waxaa laga qaaday Makkah, waxaana la geeyay Qudus. Halkaas ayuu uga sii gudbay samooyinka sare, isagoo la kulmay calaamado waaweyn oo Rabbaaniga ah, kana soo qaatay bishaarooyin iyo waajibaad ay ka mid ahayd salaadda. Safarkaas barakaysani wuxuu noqday bilowgii furfurnaanta iyo guulihii xigay ee dacwaddii Islaamka.
Sidaas oo kale, booqashada uu Madaxweyne Ciro ku tegay Qudus waxaan Alle ka rajaynaynaa inay u noqoto bishaaro weyn oo u horseedda Somaliland inay ka baxdo go’doominta iyo caqabadihii mudada 35-ka sano ah horyaallay. Waxaan rajaynaynaa in albaabbada horumarka, iskaashiga iyo aqoonsigu u furmaan si ka wanaagsan sidii hore.
Mudane Madaxweyne, adigoo jooga Masjidka barakaysan, nooga soo ducee dalka iyo dadkaba. Ilaahay ha ku mannaysto nabad
, midnimo, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan oo ummadda Somaliland ku naalloodo. Aamiin.
, midnimo, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan oo ummadda Somaliland ku naalloodo. Aamiin.