Bisad Iska Maqnayd 11 Sano Oo Mulkiilaheedii U Soo Noqotay

0
597

Bisaddan ayaa la la’aa muddo ku dhow 11 sano, hadda se waxay dib ugu soo noqotay mulkiilaheedii, kaddib muddo ay ku noolayd waddo u jirta gurigooda ku dhawaad siddeed mayl.

Missy, ayaa ka baxsatay gaadhiga Eve McDonnell sannadkii 2009 oo taagnaa waddo ku taal Birmingham iyadoo tan iyo markaana aan dib loo helin.

Laakiin dadka deggan xaafadda Hall Green ayaa arkay bisaddan oo ku nool qashinka iyagoo u kaxeeyay xarunta badbaadinta halkaas oo ay ku ogaadeen in xanuusanayso.

Ms McDonnell aya sheegtay, inay gashay xaalad ay rumaysan weyday, iyadoo tidhi bisaddan Missy waa 17 jir hadda, welina saw waa ay noolayd.

“Waligeey ma joojinin ka fikirkeeda. Ma illoobi kartid xayawaannadaada – ma ahan suuragal ah ” ayay tidhi, kadib markii ay si dareen leh dib u midoobeen Missy horraantii toddobaadkan.

Missy ayaa xilligaas ka baxsatay gaadhigeeda, mar ay Ms McDonnell u istaagtay inay iibsato caano.

.

Ali Shah iyo hooyadiis Salma waxay si isdaba joog ah u arki jireen bisaddab Missy “oo seexseexanaysa kuna nool” waddo ku taal gurigooda agtiisa.

Xilligii qaboobaha, Mr Shah wuxuu yidhi bisaddani waxay ku hurdi jirtey dusha sare ee taangiyada qashinka

“Markii aan la hadlay milkiilaha waddada gurigiisa aadda ee ay joogijirtey, wuxuu ii sheegay in bisaddu ay maalin uun gurigiisa u raacday oo aan loo oggolayn inay gasho.”

.

Ka dib markii Mr Shah uu u soo duubay muuqaal ah Missy oo dhex hurudda roob da’aya ayaa hooyadiis, waxay go’aansatay inay badbaadiso, iyada oo geynaysa gurigooda, halkaas oo ay joogtay dhowr maalmood ka hor inta aan loo qaadin Little Haven Rescue oo ah meel xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taal Sutton Coldfield.

Milkiilaha xarunta samatabbixinta Clare Davis ayaa u qaadday Missy gurmadka deg-degga ah halkaas oo la ogaaday inay xanuusanayso kaddibna waxaa dib looga helay 72-sano jirtii lahayd Ms McDonnell.

“waxaa ka muuqday xaalad ay u muuqatay mid rifrifan, maadaama ay seexan jirtey dhul raf ah oo aan fiicnayn” ayay sheegtay.

Ms McDonnell waxay sheegtay inay dareentay “dareen isku dhaf ah” markay maqashay Missy inay weli nooshahay.

Missy waxa ay cuntaa cuntada bisadaha yar yar, maxaa yeelay waxaa ka dhacay ilko badan, laakiin waxay ku soo laabatay meeshii ay jeclayd inay ku seexato, halkaas oo ahayd jaranjarada gurigooda ku yaal Harborne.

Ms McDonnell waxay tidhi: “Waxay qaadatay waqti adag, laakiin wali waxay tahay bisaddeydii,”

“Ma rumaysan karo inay nooshahay, waligey ma joojin inaan ka fikiro iyada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here