Taliye Sare Oo Al-Shabaab Ka Tirsan Oo Duqeyn Cirka Ah Lagu Dilay

0
332

Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Mareykanka ayaa hore usoo bandhigay abaalmarin dhan $5m (£3,8m) sanadkii 2008 oo la siinayo qofkii soo sheega meesha uu ku sugan yahay Bashir Maxamed Qoorgaab.

Mareykanka ayaa weerarro dhanka cirka ah oo is daa joog ah ka fuliya Soomaaliya iyagoo beegsanaya al-shabaab. Weli ma uusan ka hadlin dhimashada taliyahan. Qoyska Qoorgaab ayaase xaqiijiyay geeridiisa.

Wuxuu qaabilsanaa weerarrada lagu qaado saldhigyada milatariga, wuxuu sidoo kale ku lug lahaa howlgallo laga fuliyay Kenya.

Qoorgaab ayaa 22-kii February lagu dilay howlgallo ay ciidamada Soomaaliya iyo milatariga Mareykanka ka fuliyeen magaalada koofurta Soomaaliya ku taalla ee Saakow.

Lama faahfaahin sababta uu warku haatan u soo shaac baxay.

Bishii la soo dhaafay waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Qoorgaab uu ka tagay Al-Shabaab sababo la xiriira khilaaf dhex maray hoggaamiyeyaasha kooxda.

Al-Shabaab ayaa lala xiriiriyaa al-Qaeda waxayna maamulaan inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale dhowr weerarro ka fuliyeen Kenya.

Bishii la soo dhaafay, kooxda ayaa weerartay saldhig ku yaalla Kenya oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka, waxaana weerarkaas ku dhintay saddex Ameerikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here