Midowga Yurub Oo Xuduudaha Xirtay Si Fayraska Corona Loola Dagaallamo

0
367

Midowga Yurub ayaa xayiraad socdaal oo 30 maalmood ah ku soo rogay dhammaan xuduudaha dalalkiisa.

Tallaabada uu ururku ku dhawaaqay ayaa la sheegay in la filayo inuu ka dhaqan galo 26 dal ee ka tirsan Midowga Yurub.

Xayiraadda Midowga Yurub uu soo rogay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordheyso tirada dhimashada dalalka Talyaaniga, Spain iyo Faransiiska.

Qaradda Yurub waxaa si weyn u saameeyey fayraska Corona ee dunida ku sii faafaya, isla markaana dilay ku dhawaad 7,500 oo qof.

Sidoo kale tartanka kubadda cagta Euro 2020 ayaa dib loo dhigay muddo hal sano ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee corona.

Cudurka ayaa wuxuu soo ritay dad ka badan 185,000 oo daafaha dunida ku kala nool.

Goobaha ganacsiga Jarmalka waxaa saameeyey tirada macamiisha hoos u dhacday

Maxay ka dhigan yihiin tallaabooyinka Midowga Yurub uu qaaday?

Tallaabooyinka Midowga Yurub uu qaaday waxaa ka mid ah xayiraadda dhinaca socdaalka oo lagu soo rogay muwaadiniinta aan u dhalan iney ka soo tallaabaan xadka.

Marka laga reebo muwaaddiniinta wakhtiga dheer yurub degganaa, qoysaska muwaaddiniinta yurub u dhashay iyo Diblumaasiyiinta, shaqaalaha caafimaadka ee xududaha isaga goosha iyo dadka gaadiidka ka shaqeeya.Tallaabbada Midowga Yurub uu qaaday ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay muuqaal aragga fog talaadada gelinki dambe ku yeesheen madaxada waddamada reer yurub, go’aankaasi oo ka dhaqan galayo dhammaan waddamada xubinka ka ah Midowga Yurub.

Madaxa Koomishinka Midowga yurub Ursula von der Leyen oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay “Arrintan iney tahay mid wanaagsan ayna muujineyso arrimaha xuduudaha wixii ku saabsan inaan ka mideysannahay.”

Waddamada Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo aan ka mid ahayn waddamada uu go’aankaasi uu saameynayo waxaa loogu baaqay iney tallaabbadaasi qayb ka noqdaan.

Faransiiska wuxuu amar ku bixiyey shacabka iney guriyahooda joogaan

Haddaba Yurub maxaa ka cusub?

Muwaaddiniinta Faransiiska ee guriyahooda ka baxa waxaa laga doonayaa iney sitaan warqad caddeyneyso sababta ay guriga uga soo baxeen, haddiise ay warqad wadan ay la kulmayaan ganaax lacageed oo dhan €135 Yuuro oo u dhigma ($150 doolar).

Arrintan ayaana imaneysa kaddib marki uu madaxweyne Macron uu dalka Faransiiska uu geliyey xaalad degdeg oo la mid ah mid dagaal, shacabkana uu ku amray iney guriyahooda ka soo bixin oo ay u soo bixi karaan oo keli wixi daruuri ah.

Tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalka Faransiiska Talaadadi oo keli ah waxay sare u kacday 16% taasoo tirada gaarsiisay 7,730 qof, halka ay dhimashaduna gaartay 175 qof taasoo ka dhigan dhimashaduna 7% iney sare u kacday.

Dad ka badan 2,500 oo qof ayaa isbitaallada lagu dabiibay, iyada oo 699 ka mid ah dadkaasi daryeel degdeg ah loo fidiyey.

Dalka Britain dadka u dhintay cudurka Coronavirus waxay gaareen 71.

Sida oo kale tani iyo inta uu cudurka gaaray waddamada Yurub waxaa dib loo dhigay wadahadalladi ka bixitaanka Midowga Yurub ee Britain.

Dalka Spian kiisaska cudurka Coronavirus ee ahaa 2,000 wuxuu hadda gaaray 11,178. Xukumadda Madridna waxay xayirtay dhammaan iisu socodka dalka kaasoo saameeyey shacab ka badan 47 milyan.

Dalka Spain ayaana noqonaya dalka labaad uu cudurka Safmarka ee Coronavirus faraha ba’an ku hayo marka laga reebo dalka Talyaaniga.

Dalka Talyaaniga waxaa cudurka laga helay 31,500 oo qof tiradaasi ka dhigeyso dalka ku xiga Shiinaha uu sida weyn cudurka u saameeyey. Dhimashada oo ahayd 2,150 talaadadi oo keli ah waxay gaartay 2,503.

Dalka Jarmalkana waxaa laga helay 6,000 oo kiis halka dhimashaduna ay mareyso 13.

Ireland waxaa sida oo kale laga helay 15,000 oo kiis oo cudurka Coronovirus.

Dalka Iran ayaana noqday dalka Seddexaad uu cudurka faraha ba’an uu ku hayo iyada oo dadka cudurka uu soo ritay ay gaareen 16,000, 988 qofna ay u dhinteen.

Dowladaha Mareykanka iyo Britain waxay shaaca ka qaadeen xidhmooyin dhaqaale oo ay ku caawinayaan dhaqaalaha dalalkooda, si ay uga hortagaan saameynta cudurka Coronavirus uu u geysan karo.

Wasiirka maaliyadda Mareykanka Steve Munchin ayaa sheegay dowladdu iney dhaqaalaha dalka ku kabeyso lacag dhan trillion dollar.

Wasiirka maaliyadda Britain wuxuu sheegay dowladdu iney bixisay deyn dhan $400 oo bilyan oo doolar oo wax looga qabanaya ganacsiga sii wiiqmaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here