‘Waan guuleysan doonnaa’: Sheekada Shan Qof Oo Ka Bogsatay Coronavirus

0
508

Fayriska saf-marka ah ee Covid-19 ayaa u muuqda in uu saa faafayo, ayna sare u sii keceyso tirada dadka uu ku dhacay.

Wuxuu cudurka ku dhacay in ka badan 2 milyan oo qof, waxaana cudurka u dhintay in ka badan 134,000 oo qof.

Waxaa sidoo kale ka caafimaaday in ka badan 515,000 qof oo uu ku dhacay.

In lala dagaalamo Fayraska dilaaga ah waa arrin caqabad leh oo dhib badan.

Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa sheekada 5 qof oo ka bogsaday Coronavirus.

‘Waxaan dareemay in uu cunaheygu is xirayo’

Niharika Mahandru oo ku sugan gob xeeb ah

“Xaqiiqadii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan neefsan karo,” ayay tiri Niharika Mahandru.

Waxaa ay ka safartay UK, waxayna aaday Spain si ay saaxiibkeed halkaas ugula kulanto.

Markii ay maalmo joogtay waxay dareentay calaamadaha cudurka sida madax xanuun, qandho iyo jidhka oo cun-cunaya.

Mahandru ayaa ka dib uu cudurka ku soo waynaaday waxayna bilowday inay qufacdo, neefsiga oo dhib ku noqda iyo in dareenka dhadhanka iyo Urta ay ka lumaan.

Waxay aaday isbataalka magaalada Barcelona halkaasi oo raajadii la saaray ay muujisay in ay qabto burukiito iyo hargab.

Mahandru oo 28 jir ah oo aan qabin cudurada halista ah ayaa la seexiyay qeeybta xaaladaha degdega ah.

“Aad ayaan u xanuunsanaa waxaana dhib igu ahayd in aan neefsado, waxaan dareemay sida inuu cunahayga is xirayo, waxayna ahayd dareen adag,” ayay tiri Niharika.

Mahandru ayaa ka dib laga qaaday baaritaana cudurka Covid-19 oo maalintii xigtay loo xaqiijiyay in ay qabto fayraska.

“Ka dib markii la iga helay, waxaa la ii qoray kaniinka xanuun baab’iye ah iyo dawada malaariyada ee hydroxychloroquine, ayay tiri Mahandru.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in adeega caafimaadka uu bilaash yahay, ma qiyaasi karo sida ay noqon karto xaaladda dadka ay tahay in ay lacag bixiyaan marka la daweynayo iyo xitaa baaritaanka,” ayay intaa ku dartay.

Mahandru Niharika ayaa sheegtay in ay tahay in qof walba, gaar ahaan dhalinyarada, ay u hogaansamaan talooyiinka caafimaadka.

“Waxaan u maleynayaa in aysan fahansaneyn da’yarta in dhakhaatiirta ay kala dooranayaan cidda dhimanaysa iyo cidda noolaanaysa, waxayna noqon kartaa hooyadaa,” ayay tiri Mahandru.

‘Intaad niyad wanaagsan tahay, waad ka adkaan kartaa cudurada’

Gafar Marhounoo u dhashay dalka baxreyn

“Haddii uu alle idmo, arintan waan ka gudbeynaa wax walbana caadi ayuu noqonayaa,” ayuu yiri Gafar Marhoun.

Marhoun oo 26-jir ah darawal na ka ah Bas wuxuu qofkii ugu horeeyay ee laga daweeyo fayraska Covid-19 ee dalka Baxreyn.

“Heerka rajadaada ayaa sabab u ah in aad ka badbaado xanuun kasta, inta aad niyad wanaagsan leedahay waad ka guuleysan kartaa xanuun kasta”.

“Wax walaac ah igama muuqan xitaa waxaa ila yaabay shaqaalaha caafimaadka sida aan u faraxsanahay,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa uu dhawaan safar ku tagay magaalada Mashhad, wuxuuna dib ugu laabtay isaga oo ay la socoto xaaskiisa oo aan iyadu cudurka qaadin.

Wuxuu rumaysan yahay in cudurka uu ka qaaday qof rakaab ah oo ay diyaaradda isla soo raaceen kaasi oo “si aad ah u qufacayay”.

“Markii hore waxaa la kulmay aflagaado sababtoo ah waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee uu cudurkan ku dhaco dalka Baxreyn,” ayuu yiri.

Gafar ayaa lagula taliyay in uu guriga iska joogo muddo 14 maalmod ah.

“Caruurteyda ma arkin labo bilood,” ayuu intaa ku daray.

Gafar wuxuu sheegay in hadda uu si rasmi ah uga caafimaaday fayraska Covid-19, wuxuu intaa ku daray in uu sugi la’yahay la kulanka caruurtiisa.

Hanjabaad ah in gurigeena la gubayo

.

Jayantha Ranasinghe waa qofkii ugu horreeyay ee cudurka laga helay dalka Sri Lanka, waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee ka bogsada.

Ranasinghe oo 52 sano jir ah, waa nin haga dadka dalxiisayaasha ah. Toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii March waxaa uu safar la galay dalxiisayaal u dhashay dalka Taliyaanigaoo uu geeyay magaalada Dambulla -oo ah magaalo qadiimi ah.

Caafimaadkiisa ayaa si lama filaan ah u xumaaday wuxuuna aaday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Colombo.

“Waxa aan xaaskeyga u sheegay in aan aadno dhakhtarka qoyska si loo daaweeyo, markii ay calaamadihi arkeen waxay dhakhaatiirta igu amreen in aan aado xarunta qaran ee cudurada faafa,” ayuu yiri Jayantha Ranasinghe

“Galabtii 9-kii bishii march, waxaa la xaqiijiyay inaan qabo cudurka Corona, waxaana ka baqay in aan dhinto,” ayuu yiri Jayantha Ranasinghe.

Shaqaalaha isbataalka ayaa ku qanciyay in uusan walaacin.

Balse xaaskiisa iyo labo cunug oo uu dhalay waxay dhibaato kala kulmeen dariskooda oo aad u careysanaa.

“Qaar ka mid ah dariska ayaa qoraal u diray taas oo ay ku sheegayan in aan cudurka ku faafinayno dhammaan tuulada.

Halkaasi kuma aysan joogsan “haweeney daris nala ah ayaa xitaa ku hanjabtay in gurigeena ay dab qabadsiinayso.”

Ranasinghe ayaa baaritaan ku sameeyay wiilkiisa si uu waalidka u dajiyo.

Jayantha Ranasinghe waxaa uu isbataalka ku jiray 18 maalmood wuxuuna gurigiisa dib ugu noqday 22-kii March.

Dhakhaatiirta waxay kula taliyeen in 21 maalmood oo kale uu karantiil is galiyo.

‘Haddii aan la noolaan karo Kansarka, waan la noolaan karaa Covid-19’

George Alagiah 

George Alagiah, oo ah war akhriye ka tirsan BBC oo laga daweeya kansarka kaadi-heysta waxaa sidoo kale ku dhacay fayraska corona.

Maadama uu ahaa bukaan cudurka Kansarka qaba, waxaa la marsiiyay baaritaan ka dib markii uu qandho dareemay maalmo ka dib na waxaa uu dhakhtarka u xaqiijiyay in uu qabo Coronavirus.

“Madaama aan soo maray khibradaasi oo aan 6 sano ahaa bukaan uu hayo Kansarka, waxaan dareemayay adkeysi, haddii aan la noolaan karo Kansarka, waan la noolaan karaa Covid-19,” ayuu yiri George Alagiah.

Xaaladiisa caafimaad iyo marka la eego da’diisa oo ah 64 sano wuxuu ka mid yahay dadka halista ku jira marka ay timaado Covid-19.

George Alagiah ayaa ka soo kabsaday xanuunka Covid-19 , balse xaaskiisa waxaa weli ka muuqda calaamadaha cudurka.

Mahad-celinta cusub ee noolasha iyo qoyska

Tiger Ye oo ku sugan isbataalka ku jira

Tiger Ye waa 21-jir arday ku ah magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah goobtii uu ka soo billabmay Coronavirus.

Ilaa imika ma garanayo sida uu cudurka ku qaaday.

Calaamadihii uu dareemay markii ugu horeysay waxaa ka mid ahaa murqa xanuun, cuntada oo uu qaadan waayay, balse markii dambe waxa uu billaabay qufac iyo waliba Matag.

“Waa waqtigi iigu xanuunka badnaa ee aan noolashayda soo maro, waligey sidaa oo kale uma xanuunsan,” wuxuu sidaas u sheegay BBC.

“Mataga ayaa iga oohiyay, xaqiiqadii waxay ahayd mid xanuun badan.

Waxaa uu intaa ku daray in isbataalka aan la seexin, ka dib markii la baaray waxaa la ogaaday in uu qabo fayraska sambabada ku dhaca.

Waxaa Tiger Ye loo sheegay in uu guriga joogo. Markii uu dawada qaatay muddo 10 maalmood waxaa hoos u dhacay calaamadihii cudurka.

“Markii aan eegay dhammaan kiisaaskan, xitaa ma rabo in aan dib uga fikiro, waxay ahayd xaalad xanuun badan,” ayuu yiri.

Ka dib markii uu ka caafimaaday wuxuu Tiger Ye, dhiiggiisa uu deeq ahaan u bixiyay laba goor, wuxuuna rajeynayaa in uu dadka kale caawiyo.

‘Waan ka bixi doona dhibaatada’

Daqadda qolkii ay isbataalka ak jiiftay Rafiya

Rafiya (ma aha magaceeda saxda ah) waxaa ay cilmiga cafimaadka ka baranaysay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Waxaa u suuragashay in Wuhan ay ka baxdo ka hor intii aan xayiraadda lagu soo rogin waxayna gaartay gobol Kerala ee Koonfurta Hindiya.

Maalmo ka dib markii ay soo laabatay waxaa laga qaday baaritaan waxayna noqotay qofkii ugu horeeyay ee dalka Hindiya laga helo cudurka Corona, waxaa la seexiyay qol lagu karabtiilay.

Gabadhan oo 20 sano jir ah ayaa daganaan muujisay wayna ka caafimaaday cudurka.

“Markii uu ii dhammaaday xilligii karantiilka waxaan doonayay in aan ayeeyo la kulmo iyo qaraabada kale,” ayay tiri.

Waxaa ay waxbarshadeeda ay ku sii wadatay qaab online ah waxayna ku faraxsan tahay in Wuhan uu ka dhammaaday fayraska.

“Mar walba mashquul ayaan ahay, waxaan la sheekeystaa waalidiinteyda waxaa sidoo kale nala nool ayeeyo, waxaan nahay qoys faraxsan,” ayay intaa ku dartay.

Waxay aaminsan tahay in xaaladda mar uun ay is badali doonto.

“Aniga wax walba caadi ayay ila yihiin, waxaan rajeynayaa in wax walba ay hagaagi doonaan, waana ka bixi doonnaa dhibaatadan,” ayay tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here