Suldaan Cabdillaahi Oo Ku Taliyay In La Iska Dhowro Tafaraaruqa

0
363

Suldaanka guud ee Beesha bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka digay tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha, waxaanu ku taliyey in mar walba maslaxadda laga taliyo.

Suldaanka guud ee Beesha barriga Magaalada Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u warramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiiisa ku waajahan xanuunka Coronavirus, iyo khatartiisa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waan ducaynayaa, waxaana u ducaynayaa umadda muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana ugu ducaynayaa inuu ALLE ka badbaadiyo cudurkan xun, ciddii uu hayo ee u jiiftana inuu ALLE ka caafimaadiyo, adduunyadu waa imtixaan, ee ALLE xaqa mar walba ha ina wafaajiyo, ALLE isaga ayaa leh 12 ka biloodba, laakiin bisha Ramadaan waa bil ka duwan bilaha kale, waana bishii ALLE dartii loo soomayey, ee bishiina khayr qaba, camal suuban iyo cibaado suuban ALLE ha inagu gaadhsiiyo, wanaaga iyo ajarkuna wuxuu ku jiraa in dadka masaakiinta ah la quudiyo, qof walba wixii karaankiisa ah wax ha taro dadka masaakiinta ah”.

Mar uu Shacabka baaq u diraayey wuxuu yidhi “Colaadi iyo dagaal dhib iyo khasaare mooyee wax faa’iido ah oo ay leeyihiin ma jiraan, ee ALLE ta roon mar walba ha ina wafaajiyo, oo jidka toosan ha inagu rido mar walba, ee tafaraaruqa aynu ka dheerano, wax kasta oo dhib keenayana aynu iska ilaalino, oo aynu masalaxada mar walba ka talino”

Dhinaca kale wuxuu Suldaan Cabdilaahi ku baaqay in la qaato tallooyinka iyo wacyigelinta la wado ee ku saabsan ka hor taga xanuunka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here