Coronavirus: Maxaa Ka Jira Eedeynta Uu Trump Kala Dul Dhacay WHO?

0
348

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku eedeeyay maamul xumo iyo inay dabooshay xaqiiqooyinka ku saabsan coronavirus, kaddib markii uu ka dillaacay waddanka Shiinaha.

Wuxuu intaas ku daray inuu hakin doono dhaqaalaha uu Mareykanku ku taageero WHO, ilaa inta uu maamulkiisa dib u eegis uga sameynayo howlaha hay’addaas.

Peter Piot, oo ka tirsan dugsiga fayo-dhowrka iyo dawooyinka ee London, ayaa sheegay in arrintan ay noqon doonto “Khatar aad u weyn”.

Laakiin madaxweyne Trump gar ma ku saxan yahay dhaliisha uu u jeediyay sida ay WHO uga jawaabtay cudurka?

Maxay sameysaa WHO?

Hay’addan oo la aasaasay sanadkii 1948-kii waxay hoos tagtaa Qaramada Midoobay, waxayna mas’uul uga tahay Caafimaadka Guud ee Adduunka, diyaarinta ol’olayaasha tallaalka cudurrada iyo caawinta waddamada u baahan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah.

Dhaqaalaha soo gala wuxuu igu jiraa tabarucaad isxilqaamid ahiyo kharash laga qaado dalalka xubnaha ka ah ee ay tiradoodu tahay 194, Mareykanka ayaana kaligiis bixiya lacagta ugu badan.

WHO miyey ku guul darreysatay inay la xisaabtanto Shiinaha?

Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay ku guul darreysatay inay Shiinaha kula xisaabtanto xakameynta coronavirus, ka hor inta uusan gaarin heer uu bani’aadanka isaga kala gudbo. Cudurkan ayaa markii hore ahaa mid xayawaanka kaliya ku eg.

Shiinaha ayaa markii hore ku wargaliyay WHO in “neef qabatoonka uu qabowga sababo uu yahay kiis noociisa la fahmi waayay oo la arkay 31-kii bishii December”.

5-tii bishii January, waxay hay’addu sheegtay in xogta ay xilligaas ka heysatay Shiinaha ay muujineysay in “aan caddeyn loo heynin inuu xanuunka isagala kala gudbi karo bani’aadanka”.

14-kii January, waxay hay’addu barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in baaritaannadii ugu horreeyay ee laga sameeyay Shiinaha “ay caddeymo sax ah u heli waayeen in bani’aadanka ay isqaadsiin karaan” fayraska cusub.

A building of the World Health Organization (WHO) in Geneva, Switzerland, February 6, 2020

Hase yeeshee, isla maalintaas, guddiga caafimaadka ee magaalada Wuhan ayaa sheegay inaan gabi ahaanba meesha laga saari karin in fayrasku uu dadka iskaga kala gudbi karo, inkastoo ay hoosta ka xariiqeen in khatarta ku saabsan arrintaas ay hooseysay.

Maalmahaas gudahooda, warbixin kale oo ay soo saartay WHO ayaa lagu sheegay inay suurtagal tahay inuu soo baxo cudur bani’aadanka isaga kala gudba, waxaana loola jeeday xanuun ka mid ah kuwa ay sababaan fayrasyada coronavirus, sida cudurka horay loo yaqaannay ee SARS.

Ugu dambeyntiina, 22-kii bishii January, koox ka socotay WHO oo booqasho gaaban ku tagtay Shiinaha ayaa xaqiijisay in magaalada Wuhan uu ka dillaacay cudur bani’aadanka ay kala qaadi karaan.

Wafdi dhammeystiran oo ka ay dirtay WHO, ayna ka mid ahaayeen khubaro caalami ah ma tagin Shiinaha ilaa laga gaaray isbuucii labaad ee bishii February.

Dabayaaqadii bishii January, mas’uuliyiinta WHO ayaa dowladda Shiinaha ku amaanay sida ay ula tacaashay Shiinaha, iyo inay “dhabta ka sheegeysay”.

WHO ma waxay dhagaha ka fureysatay khubaro ka socotay Taiwan?

.

Mr Trump wuxuu sheegay inay jirto “xog la isku halleyn karo oo muujineysay in bishii December uu jiray tuhun laga qabay inuu dillaacay cudur bani’aadanka u kala gudba”, wuxuuna sida cad ula jeeday digniintii ay khubarada reer Taiwan u jeediyeen WHO.

Seynisyahannada reer Taiwan ayaa magaalada Wuhan booqday islamarkii uu soo baxay warka ku saabsan cudurka dillaacay.

Laakiin caddeymaha ilaa hadda la daabacay waxay muujinayaan xiriirkii dhex maray khubarada iyo WHO aan lagu xudin cudur bani’aadanka isaga kala gudbi kara.

Taiwan xubin kama aha waddamada ku jira WHO, maadaama aysan Qaramada Midoobay u aqoonsaneyn dal ahaan.

WHO waxay sheegtay inay dhammaan xogteeda la wadaageysay khubarada caafimaadka ee Taiwan.

Laakiin bishii lasoo dhaafay, markii uu sarkaal sare oo ka tirsan WHO diiday inuu ka hadlo sida ay Taiwan uga falcelisay cudurkan, waxaa hay’adda lagu eedeeyay inuu maamulkeeda faragalin ku hayo Shiinaha.

Waxaa la ogyahay in dowladda Shiinaha ay markii hore isku dayday inay qariso fayraska ka dillaacay magaalada Wuhan, ayna aamusiineysay dadka isku dayayay inay qeylo dhaamiyaan.

Presentational white space

WHO ma talo marin habaabin ah ayey ka bixisay mamnuucista safarrada?

Mr Trump wuxuu sheegay in WHO ay bixisay talo marin habaabin ah oo ay ku sheegtay “in aan loo baahneyn mamnuucista safarrada” ayna Mareykanka “kula dagaallantay” inuu iska joojiyay duullimaadyadii uga imaanayay dhinaca dalka Shiinaha iyo waddamo kale.

WHO waligeed si toos ah arrintaas uguma aysan dhaleeceynin Mareykanka, dowladda dhexe ayeyna u taallaa dhaqangalinta xayiraadaha dhinaca xuduudaha iyo safarrada.

Laakiin 10-kii January, waxay hay’addu daabacday talo ay ku sheegeyo inaan loo baahneyn xayiraado caalami ah, isla taladaas ayeyna ku celisay markii ay ku dhawaaqeysay xaalad caafimaad oo deg deg ah dabayaaqadii bishii January.

WHO waxay tiri: “Xayiraadda dhaqdhaqaaqyada dadka iyo ganacsiga ee xilliga lagu jiro xaaladaha caafimaad darro dhinacyo badan ayeysan waxba u tareynin”.

Waxay aaminsaneyd in haddii xuduudaha la xiro ay dad badan isku dayi lahaayeen inay si sharcidarro ah u safraan ayna cudurka fidiyaan halkii laga hortagi lahaa.

Laakiin taladan ugu dambeyn waxaa dhagaha ka fureystay dalalka caalamka intooda badan, kuwaasoo uu ku jiro Mareykanka, halkaasoo madaxweyne Trump uu kasoo saaray amar waddanka looga mamnuucayo inay soo galaan dadka 14 maalmood gudahood ku sugnaa Shiinaha, laga billaabo 2-dii bishii February.

Mr Trump wuxuu sheegay in tallaabadaas ay yareysay fiditaankii cudurka ee gudaha Mareykanka.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha sar sare ee Aqalka Cad ayaa yiri: “Tallaabada aan ku joojinnay safarrada ka imaanaya Shiinaha iyo kuwii ugu dambeeyay ee Yurub waxay wax weyn ka tareen yareynta faafitaanka cudurkan ee waddankeenna gudihiisa”.

Hase ahaatee daraasad uu bishii February daabacay wargeyska maareynta arrimaha degdegga ah ayaa lagu ogaaday in xayiradda safarrada ay si weyn u yareeyaan faafidda fayrasyada, sida Ebola iyo Sars, laakiin ay waxtar yihiin oo kaliya xilli gaaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here