Coronavirus: Tirada Dhimashada Miyey Qariyeen Maamulka Iraan?

0
366

Muuqaalka wuxuu ka mid yahay kuwa laga duubay shaqaale ku sugan goobta la dhigo meydadka oo qubuuraha ah kuwaas oo ay ag yaallaan medad kale oo tobanneeyo ah.

Qaar ka mid ah meydadkaas waxaa lagu duubay kafan cad, wuxuuna sheegay in meydadkaas la diyaariyay subaxii.

Ka dib ninkan waxaa uu tusay meydad lagu riday baco kuwaasi oo la diyaariyay si loo aaso.

Ka dib ayuu ninkan wuxuu kamaradii uu sitay la aaday qol kale, waxaana halkaasi yaalay meydad.

Muqaalkan waxaa laga duubay qubuuraha Qom, oo ah magaalo la barakeysto oo ku taalla dalka Iiraan.

Magaaladan waa goobtii uu ka soo billaabmay cudurka Coronavirus ka dib na uu ku sii fiday magalooyiinka kale ee Iran.

Qofka duubay muuqaalkan wuxuu ku sheegay in dhammaan meydadkan ay yihiin dad u dhintay fayraska Corona, balse BBC hadalkiisa ma xaqiijin karto.

Waxa baraha bulshada qabsaday muqaalka laga soo duubay dalka Iiran ee muujinaya meydadka dadka la sheegay inay u dhinteen Corona.

Qofka muuqaalka duubay ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadka ay yaaleen goobta la dhigo muddo 5 illaa 6 maalmood ah.

Muuqaalka iyo hadalkiisa waxay mujinaysaa xaqiiqada iyo runta ka jirta dalkan Iraan.

Iraan ayaa la daala dhaceysa tirada badan ee dadka dhintan oo laga yaabo in ay tirada ka badan tahay inta ay dowladda Iraan sheegtay.

Muqaalkan soo baxay ayaa ah mid sawir ka bixinaya qaabka ay dowladda Iraan ula dagaalamayso cudurka Covid-19.

Dulucda muuqaalka

Ardey qado cunaysa

Ma jiro dal ka mid ah dalalka bariga dhexe oo coronavirus uu u saameeyay si la mid ah Iraan.

Waxaa aad u adag in macluumaad sax ah laga helo dalka Iiraan, balse qaar ka mid ah baraha internet-ka waxay muujinayaan in goobaha meydadka la dhigo ay ka tira bateen dadka u dhintay fayraskan safmarka ah.

Waxaa arrintan qeyb ka ah in dadka ku taqasusay dhaqidda meydka ay diideen in ay dhaqaan dadka u dhintay fayraska Covid-19 iyaga oo ka cabsi qaba cudurka.

Taa badalkeed waxaa shaqadan dhaqidda meydadka qabta dad iskood isu abaabulay oo raacaya shareecada Islaamka iyo talooyiinka dhaqaatiirta.

Inkastoo aysan jirin caddeymo ah in meydka qofka coronavirus u dhintay laga qaadayo cudurka ayaa hadana hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay dadka kula talisay in “si wayn looga taxadaro”, sababtoo ah cudurka oo aan wax badan laga aqoon.

Dalka Taliyaaniga, tusaale ahaan hay’adaha caafimaadka waxay sheegeen inkastoo fayraska aysan gudbin karin meydka in haddana dharka qofka dhintay uu ku sii dhex jiri karo illaa muddo ah.

Qaabka ay dowladda Iraan uga fal-celisay

Muuqaalkan laga soo duubay goobaha la dhigo meydadka ee baraha bulshada lagu baahiyay waxaa si degdeg ah uga jawaabay shaqsiyaadka mayalka adag ee Iiraan.

Iranian women in PPE

Ninkii duubay muqaalka ayaa la xiray islamarkana waxay hay’adaha dalkaasi u xaqiijiyeen shacabka in dhammaan meydadka loo maareeyay si xushmad leh kuna saleysan diinta Islaamka.

Sida uu sharciga Islaamka dhigayo qofka dhinta waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo aaso.

Ka hor inta aan la aasin meydka waa in la dhaqaa saddex jeer ka dibna la galiyaa kafanta.

Bilowgii bishii March, hoggaamiyaha ruuxiga ee Iraan, Ayatollah Khamenei, waxaa uu shaaciyay in meydadka dadka u dhintay Covid-19 ay tahay in loola dhaqmo si la mid ah meydadka kale islamarkaana la dhaqo lana karfano.

Presentational white space

Siduu u saameeyay coronavirus dalka Iiraan?

Sida ku cad macluumaadka ay dowladda soo saartay, in ka badan 60,000 oo qof ayuu haleelay cudurka Corona ee dalka Iraan.

Waxaa sidoo kale saraakiisha Iraan ay ku sheegeen in tirada dhimashada cudurka ay gaartay in ka badan 4,000 oo qof.

Balse cilmibaarayaal reer Iraan ah oo ku sugan Mareykanka ayaa rumaysan in tirada ay intaas ka badan tahay.

Waxay cilmibaarayaashan ay qiyaastooda ku sheegeen 20 March in ka badan 15,000 oo qof ay ku naf waayeen dalka Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here