“Adeerkey Boqor Salmaan Ha Iga Saaro Xabsiga Xaaladdeyda Way Sii Xumaaneysaaye”

0
499

Codsi ayaa lasoo dhigay barta saxda ah ee ay Twitter-ka ku leedahay gabar caan ah oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, kaasoo ay adeerkeed Boqor Salmaan ku weydiisaneyso inuu kasii daayo xabsi ay ku jirto.

Mid ka mid ah qoraallada, sida muuqatay lasoo dhigay Twitter-ka la hubo ee Amiirad Basma bint Sacuud ayaa lagu sheegay inay “sabab la’aan ugu xiran tahay xabsi lagu magacaabo al-Hair”, iyadoo “xaaladdeeda caafimaadna ay sii xumaaneyso”.

Qoraal kale ayaa ku socday boqorka iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Maxamed ayaa lagu yiri “Waxaan idinka codsanayaa inaad dib u eegis ku sameeyaan kiiskeyga, aadna iga sii deysaan xabsiga maadaama aanan wax khalad ah sameynin”.

Ma jirto wax jawaab ah oo ilaa hadda kasoo baxday mas’uuliyiinta boqortooyada Sacuudiga oo arrintan looga hadlayo.

Hase ahaatee tiro ka mid ah dadka ugu sarreeya boqortooyada dalkaas ayaa xabsiga loo taxaabay sanadihii ugu dambeeyay.

Amiirad Basma, oo 56 jir ah, waa gabadha ugu yar ee carruurta uu dhalay boqor Sacuud, oo dalka Sacuudiga xukumi jiray intii u dhaxeysay sanadihii 1953-kii ilaa 1964-kii.

Sannadihii dambe waxay aad ugu caan baxday ol’ole dhinaca xuquuqda bani’aadannimada ah oo ay ka wadday gudaha qoyska boqortooyada Sacuudiga iyo sidoo kale afti ay dooneysay in loo qaado isbaddal ay dooneysay in lagu sameeyo dastuurka waddanka.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa jiray warar aan la xaqiijinin oo sheegayay in haweeneydan xabsi guri la galiyay iyo iyo gabdhaheedaba.

Warbaahinta Jarmalka laga leeyahay ee Deutsche Welle oo ilo ku dhow soo xiganeysay ayaa shaacisay in loo xiray tuhun la xiriira inay damacsaneyd sidii ay dalka uga baxsan lahayd.

Amiiradda ayaan sidoo kale la arkin ama la maqlin muddo dhowr bilood ah.

Presentational white space

“Sida aad ka war qabtaan (?) Aniga waqti xaadirkan waxaan si sabab la’aan ah ugu xiranahay xabsiga Al-Ha’ir wax dambi ahna ma aanan galin, ama xitaa wax dacwad ah la iguma soo oogin,” ayaa lagu yiri mid ka mid ah qoraallada Twitter-ka oo la shaaciyay galinkii dambe ee Arbacada.

“Xaaladdeyda caafimaad way sii xumaaneysaa ilaa heer aad aad u sii darsaday, taasina waxay sababi kartaa inaan geeriyoodo. Ma helin daryeel caafimaad, jawaabna kama helin warqadihii aan codsiyada ugu dirsaday qasriga madaxtooyada. Waxaa la i afduubtay anigoo aan la ii sheegin sababta, waxaana aniga iyo gabdhaheyga nalagu tuuray xabsi.”

Codsigan waxaa dib loogu sii faafiyay ciwaanka Twitter-ka ee xafiiska amiiradda iyo lifaaqyo kale oo lagu sheegayo xarigeeda la fuliyay sanadkii lasoo dhaafay.

Presentational white space

Tan iyo markii uu maamulka Sacuudiga saameyn weyn ku yeeshay Maxamed Bin Salmaan oo ah wiilka dhaxal sugaha ah ee uu dhalay Boqor Salmaan, waxaa xabsiga loo taxaabay amiirro badan iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Waa kuma Maxamed Bin Salmaan?

Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga

Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:-

  • Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo.
  • Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC).
  • Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii.

Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada.

Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan.

Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada.

Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad.

Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir.

Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.

Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada.

Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka ugu haboon ee mudnaanta ku leh taajka.

Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada.

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here