Shacabka Muqdisho Oo Lagu Soo Rogayo Lacag Dheeri Ah

0
272

Maamulka Gobolka Banaadir qeybtiisa Canshuuraha ayaa ka shiray dar-dar galinta qaadista lacagaha laga qaado guryaha dadka rayidka ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka kulanka yeeshay waxey sheegeen in saddex arrimood lagu xalin doono canshuurtaan taasoo ay ka mid yahiin: Waxbarashada Ardayda, Caafimaadka iyo Dhismaha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa shir gudoominayay, waxaana la sheegay in guryaha dadka rayidka ah kaliya aan laga qaadi doonin isla markaana masuuliyiinta xitaa la canshuuri doono.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay iney dar-dar galinayaan hawlo badan oo loo xilsaaray oo ay ka mid tahay caafimaadka iyo dib u dhiska bilicda caasimadda.

Afhayeenka wuxuu sheegay iney ganaaxyo la kulmi doonaan masuuliyiintii diida bixinta lacagaha ay sheegeen in dib loogu celinayo dadka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli canshuur guryaha horay looga qaadi jiray shacabka Soomaaliyeed iyadoo nadaafadda gobolka Banaadir ay gaartay heerkii ugu xumeyd.

Dagmooyinka qaar ayaan laheyn bilic lagu faani karo iyadoo dhanka nadaafadda aan waxba laga qaban, waxaana su’aal laga keeni karaa waxa ay soo kordhineyso lacagaha dheeraadka ah oo ay sheegeen iney maamulka qaadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here