Udub Dhexaadkii Dowladda Suuriya Oo Geeriyooday

0
284

Wasiirkii arrimaha dibedda ee dalka Suuriya oo xilkaasi hayay muddo dheer Walid Mucallim, oo ka mid ahaa siyaasiintii ugu caansanaa ee soo maray dowladda madaxweyne Bashar al-Assad intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalka, ayaa geeriyooday isagoo da’diisu aheed 79 jir.

Warbaahinta dowladda ma aysan cadeynin sababta dhimashadiisa, balse waxaa la sheegay inuu caafimaad qabay in muddo ah.Waxaana markii ugu dambeysay oo lagu arkay fagaarayaasha ay aheed toddobaadkii hore.

Mucallim wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Suuriya noqday sanadkii 2006-dii sidoo kale wuxuu noqday ra’iisul wasaare ku xigeen sanadkii 2012-kii waxaana lagu xasuustaa dowladaha reer galbeedka oo uu ku eedeyay in dagaalka Suuriya ka socda uu yahay shirqool ay u dhigayaan Bishaar Al-asad oo ay ku doonayaan in ay ku ridaan.

Wuxuu sidoo kale si joogto ah uga difaaci jiray dowladda eedeymaha baahsan ee la xiriiray dambiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah aadanaha ee loo jeedin jiray maamaulkiisa.

In ka badan 400,000 oo qof ayaa la diley 13 milyan kalena waa la barakiciyay tan iyo markii dalka Suuriya uu dagaalku ka qaraxy sanadkii 2011-kii.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Suuriya ayaa lagu sheegay in Waliid Mucallimm “lagu yaqiinay mowqifkiisii qiimaha lahaa ee uu ka qaatay arrimaha siyaasadda iyo kuwa diblomaasiyadeed “.

Sanadkii 2014-kii, Mucallim wuxuu hogaaminayey wafdigii dowladda ee wada hadaladii nabada ee ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobey isla markaana ka dhacay dalka Switzerland kuwaas xaaladaha dalka Suuriya looga hadlayay.

Furitaankii wadahadalladaas wuxuu Waliid Mucallim uu ka jeediyay hadallo uu mucaaradka ku durayay isla markaana waxaa uu ku tilmaamay aragagxiso ,hase yeeshee xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey ee xiligaasi Ban Ki-moon ayaa ku eedeeyay inuu adeegsaday hadalo xanaf leh, Mucallim wuxuuna ugu jawaabay: “Waxaad ku nooshahay New York. Waxaan ku noolahay Suuriya. Waxaan xaq u leeyahay inaan halkaan sawir uga bixiyo Suuriya sida ay tahay”.

Wadahadalladaasi aakhirkii waa ay burbureen waxaana jiray wax yar oo horumar ah oo laga gaaray xaaladda Suuriya tan iyo xiligaas.

Falaago ka jirto Suuriya iyo kooxaha jihaad doonka ah ayaa mar maamuli jiray qeybo badan oo dalkaas ka mid ah, laakiin ciidanka Suuriya ayaa dib ula wareegay inta badan dhulka shantii sano ee lasoo dhaafay iyagoo gacan ka helaya Ciidamada cirka ee Ruushka iyo maleeshiyaad Iiraan ay taageerto.

Hadda, meesha ugu dambeysa ee mucaaradku ku haray waa gobolka waqooyi-galbeed ee Idlib, oo ay dowladdu wacad ku martay inay “xoraynayso” inkasta oo ay joogaan saddex milyan oo rayid ah, oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here