Dal Yeeshay Sadex Madaxwayne Hal Todobaad Gudaheed

0
226

Congreska dalka Peru ayaa doortay madaxwayne kumeelgaar ah kaasi oo noqonaya madaxwaynihii saddexaad muddo ka yar hal toddobaad.

Francisco Sagasti, oo 76- jir ah islamarkana ah Injineer ayaa dalka hogaamin doona ilaa laga dooranayo madaxwayne cusub sanadka soo socda.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay, madaxwayne Martin Vizcarra ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeya laaluush, taasi oo uu beeniyay.

Waxaa xil ka qaadistiisa ka dhasahy dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan dalkaasi.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay kuwa kale oo badan-na way ku dhaaqacmeen dibadbaxyadaasi.

Mr Sagasti ayaa la dortay ka dib markii uu helay codad dhan 60 cod oo looga baahnaa qofka madaxwaynaha noqonaya.

Mr Merino ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa ka dib khudbad uu ka jeediyay telefishinka

Madaxwaynaha cusub ayaa ka soo jeeda xisbiga kali ah ee ka soo horjeedsaday xil ka qaadistii lagu sameeyay Mr Vizcarra toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

“Waxa ugu way ee ay Peru u baahan tahay waa in xasiloonida la soo celiyo si arrintan loo soo afjaro,” waxaa sidaasi sheegay xildhibaan Alberto de Belaunde.

Mr Sagasti ayaa xilka kala wareegaya Manuel Merino, oo ahaa afhayeenkii hore ee Congreska, kaasi oo xilka hayay muddo ka yar hal toddobaad.

Merino ayaa xilka la wareegay ka dib markii ay golaha Congreska xilka ay ka qaadeen Mr Vizcarra.

Siyaasiyiinta ayaa ku baaqay in uu xilka ka dago Mr Merino ka dib markii ay booliiska fuliyeen howlgal ka dhan ah dibadbaxayaasha oo ay dad ku dhinteen.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka dalkaasi ka dib markii xilka laga qaaday Mr Vizcarra’s.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku eedeeyeen Congreska inay fagembi sameeyeen.

Mr Vizcarra,oo 57, jir ah ayaa haysta taageerada shacab badan oo sheegay in uu waday isbaddalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here