Fatwo Indhaha Caalamka Soo Jiidatay Oo Ay Soo Saareen Dumar Culimo Ah Oo Reer Indonisia Ahi

0
717

Culimo diinta Islaamka taqaana oo dumar ah ayaa soo saaray fatwo naadir ah oo ku saabsan carruurta la guursado.

Fatwadan oo aan sharci ahaan u dhaqangalaynin ayaa loo arkaa in ay saamayn wayn yeelan doonto, waxay ka soo baxday kulan saddex maalmood ka socday Indonesia oo ay lahaayeen dumarka culimada ah.

Dumarkan culimada ah waxay dawladda ugu baaqeen in ay da’da ugu hoosaysa ee ay gabdhuhu ku guursan karaan laga dhigo 18 halka ay hadda ka tahay 16.

Aqlabiyadda dadka Indonosia waa Muslimiin waxaana ka dhaca guurka ugu badan ee carruurta adduunka soo wajahda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef waxay sheegtay in afartii gabdhood ee reer Indonesia ahba midood la guursado inta aysan 18 sano gaarin.

 

 

Dalka Indonesia ay kunool yihiin Muslimiinta dunida ugu badan ayaa la sheegaa in uu kaalinta hore kaga jiro guurka gabdhaha yar yar, waxaana cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday in afartii gabdhood ee u dhashay dalkaasi midkood la guursado iyada oon gaarin 18-sano jir.

 

Fatwooyinka dhinaca diinta dalka Indonesia waxaa soo saara guddiga culimada oo ah waaxda ugu saraysa ee arrimaha diinta Islaamka ee dalkaas, xubnaha gudigaasina badankood ayaana ah rag, lamana oga saameynta ay yeelan doonto fatwadan ay dumarka soo saareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here