Iran Oo U Riyaaqday Dhammaadka Cunoqabatayntii Hubka Ee Saarrayd

0
283

Iran ayaa soo dhawaysay dhamaadka mudadii cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay oo maanta ku ekayd. Waxay se sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in aanay haatan qorshaha ugu jirin in ay ku talax tagto soo iibsiga hubka.

In kasta oo uu jiro culays Maraykanku saarayo dalalka dunida oo uu ku doonayo in la kordhiyo mudada cunoqabataynta hubka ee Iran saaran, ayaa hadana maanta oo Axad ah ay si rasmi ah arintaasi u soo gabogabowday sida uu dhigayo heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo dawladaha waaweyn ee dunida kala saxeexdeen sannadkii 2015.

Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohammed Javad Zarif, ayaa bogaadiyey arintan waxaanu ku tilmaamay in maantu tahay maalin muhiimad u leh beesha caalamka.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iran dhanka hubka isku filaansho ka gaadhay oo ay hirgelisay qaab ay ku soo saarto hubka intii cunoqabatayntu saarnayd.

Warbixintaas ayaa intaa ku dartay in “qorshaha gaashaan dhigga Iran ay saldhig u yihiin kartida shacabkeeda iyo awoodda dalku. Hase yeeshee dhanka hubka halista ee nukliyeerka ah iyo in kharash badan kaga baxo hubka caadiga ah ba aanay diyaar u ahayn oo aanay meelna kaga jirin istiraatijiyadda difaaca Iran.”

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn hubka ah ku soo rogay Iran 2007, hase yeeshee heshiiskii nukliyeerka ee ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dudnidu sannadki 2015 ayaa waxa uu si cad u qeexayey in cunaqabataynta laga qaado Iran maalinta Axadda ah 18 Oktoobar 2020.

Lix dawladood oo waaweyn (Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka) ayaa heshiis la galay Iran kaas oo dalkaas ka xayiraya inuu horu mariyo hubkiisa nukliyeerka ah, Iran na loo ogolaado in cunoqabataynaha saaran laga khafiifiyo.

Laakiin khilaafka isa soo taraya ee u dhaxeeyey Washington iyo Tehran tan iyo waagaa ayaa ku kallifay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, inuu ku dhawaaqo sannadkii 2018 in dalkiisu ka baxay heshiiskaas.

Ololaha Maraykan ee ku lidka ah Iran

Ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u debci waayey cadaadiska Maraykanku saaray ee uu ku doonayey in la kordhiyo mudada cunoqatabaynta Iran saaran, ayaa maamulka Trump bishii Ogost ee sannadkan bilaabay olole uu ku doonayo in dhamaan cunaqabatayntii laga khafiifiyey Iran mar kale lagu soo celiyo.

Wasiirka arimaha dibada Iran oo arintaa ka falcelinaya ayaa yidhi “is kaashiga gaashaan dhigga ee Iran iyo dunidu wuxuu wax tar u leeyahay nabadda iyo nabadgelyada gobolka iyo isku dheeli tirnaanta dunida.”

Hase yeeshee wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa isna dhankiisa uga digay Ruushka iyo Shiinaha in ay dhayalsadaan dalabka Washington ee ah in dhamaan cunoqabtaynihii Qaramada Midoobay saartay Iran mar kale lagu soo wada rogo, waxaanu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono dalkiisu wadamadaas.

Mike Pompeo, wasiirka arimaha dibadda Maraykanka

“Talaabo ayaan ka qaadaynaa dawlad kasta oo haatan isku dayda in ay Iran cunoqabatayntii ka debciso, cunoqabatayn ayuu Maraykanku saari doonaa dal kasta oo arintaa ku dhaqaaqa.” Ayuu yidhi.

Iran waxay yeelatay karti iyo farsamo weyn oo ay hub ku samaysan karto intii ay saarnayd cunoqabatayntii Qaramada Midoobay ee loogu diiday in ay hub soo iibsato.

Waxaanay khubrada reer Galbeedka ee lafa gura arimaha milatarigu sheegayaan in Iran ay badanaa buunbuuniso kartideeda hub samaysiga, walow ay hadana jirto cabsi laga qabo barnaamijkeeda gantaalaha ridada dheer taas oo ahayd wixii ku kallifay Washington in ay ka baxdo heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran 2015.

“Maraykanku wuu ku ceeboobay Golaha Amaanka hortiisa”

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Maraykanka ay dhabar jab ku noqotay inuu ku guul darraystay in la sii dheereeyo mudada cunoqabataynta hubka ee saaran dalkiisa oo ay xukuumadda Maraykanku dalab arintaa ku saabsan hor geysay Golaha Ammaanka.

Hadalkan wuxuu Ruuxaani sheegay markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii ku gacan saydhay soo jeedinta Maraykanka oo Jamhuuriyadda Dominica oo keli ahi taageertay soo jeedintiisa, hase yeeshee ay diideen Ruushka iyo Shiinuhu halka 11 dal oo kale ka aamuseen oo ay ku jiraan Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska.

Mudada conaqabataynta hubka ee saarrayd Iran ayaa ku eg bisha Oktoobar sida uu dhigayo heshiiskii ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyni sannadkii 2015.

Ruuxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa ayaa yidhi “Ma xasuusto mar qudha oo Maraykanku soo jeedin qaraar oo uu ku dibindaabyeynayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah soo hor dhigay golaha oo cod keliya oo taageeray uu halay”, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata ku daray “guushani waa tii ugu weynayd ee lagu fashiliyey dhagarta Maraykanka waan guul darro dhabar jab ah oo ku dhacday”.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa yidhi “in goluhu ka baaqsado inuu qaato go’aan uu ku difaacayo nabadgelyada iyo xasiloonida dunidu waa dembi aan cafis lahayn”.

Golaha Ammaanka QM

Waxa isaguna arinta ka hadlay danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, oo ku tilmaamay go’aankaa Golaha Ammaanka “wax laga xumaado” waxaanu intaa ku daray in “go’aankaasi u horseedi doono Bariga Dhexe qalaase hor leh isla markaana uu qulqulatooyin ka abuuri doono dunida oo dhan”.

Sannadkii 2013 ayaa Iran waxay heshiis kala saxeexdeen reer Galbeedka, kaas oo ku saabsanaa barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaheeda ba.

Madaxweyne Obama ayaa waagaa sheegay in markii ugu horaysay toban sanadood, barnaamijka nukliyeerka Iran la hakiyay.

Heshiiskaas ayay Iran ku balanqaaday inay dhinto kaydkeeda tayeenta macdanta uraniyamka, oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka. Iran ayaa cuna qabataynta qaar laga qaadayaa hadii ay fuliso heshiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Mohammed Javad Zarif, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu waddankiisa u leeyahay tayeenta Uraniyamka. Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inaan la aqoonsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here