Deg Deg Shacabka Burco Oo Dhagaha Ka Furaystay Soo Dhawaynta Muuse Biixi Iyo Xubno Ka Tirsan Xukuumadiisa Oo Sameecado La Wareegaya Gudaha Magalada

0
324

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa maanta usoo ambabaxay gobolada bariga Soomaliland waxaana uu ku hakaday magaalada Berbera.shacab waynaha Burco oo uu kusoo wajahan yahay maalinta beri ah ayaa gabi ahaan ka biyo diidan imaatinka madaxwaynaha. tabashada Burco ayaa ku taxaluuqda mudo 3 sano iyo dheeraad ah oo uu talada Muuse Biixi hayay inaanu Burco hal mashruuc ka fulin wax waxqabada oo xukuumadiisu ugu mano sheegato shacabka Burcona aanay jirin. saaka ilaa galabta waxaa socday wacyi galino gawaadhi la saray samecado oo magaalada lagu dhex wareejinayo iyadoo dadka laga codsanayo inay madaxwaynaha usoo baxaan. 

fardo laga soo kiraystay hawdka sare ee magaalada Burco ayaa lagu  dhex shirabayaa gudaha magaalada Burco. si ay uga qayb noqdaan soo dhawaynta macmalka ah ee safarka uu madaxwaynuhu ku imaanayo Magaalada, deegaano hoos yimaada gobolka Togdheer oo caan ku ah dhaqashada fardaha ayaa gawaadhi lagaga soo guray saaka. iyadoona lagu xareeyay garoonka diyaaradaha Burco. si ay halkaa ugu sugnaadan ilaa wakhtiga laga saarayo oo beri ah.  fardahan oo tiro ahaan gaadhaya afar faras ayaa galabta lagu dhex wareejinayaa shaaracyada waawayn ee magaalada, si bulshada loo tuso in soo dhawaynta madaxwaynuhu tahay mid muhiima , ka dib markii laga war helay inaanay reer Burco udiyaarsanayn soo dhawaynta Muuse Biixi 

arintan ayaa ceeb iyo boog madow ku noqotay madaxwayne Muuse Biixi iyadoonay dhici jirin  intii Soomaliland Jirtay madaxwayne sidaa loogu baryo dadka loona soo kireeyo fardo. halka taa badalkeeda shacabku iskood ay isu xilqaami jireen kuna soo dhawayn jireen madaxdooda. marxabaysiin buraanburo gabayo iyo fardo tiro badan 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here