Macnaha Astaamaha Ololaha Siyaasadeed Ee Doorashooyinka Afrika

0
274

Waxa jirtay hees la odhan jiray Casaan, Casaan oo ay qaadi jirtay kooxdii heesaha Raggae ku caanka ahayd ee UB40 la odhan jiray , waxaanay heestaasi noqotay tii loogu jeclaa wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka sannadkii 1983.

Todoba iyo soddon sano ka dib ayaa erayga Casaan, Casaan aad mooddaa inuu macno gaar ah u leeyahay hoobalka reer Uganda ee siyaasiga noqday, Bobi Wine.

Xildhibaankaas oo magaciisa runta ahi yahay Robert Kyagulanyi ayaa had iyo goor la arkaa isaga oo gashan koofiyadda cas ee astaanta u noqotay, waxaanu doonayaa inuu u tartamo xilka madaxtinimada marka la gaadho doorashada soo socota ee dalkaa ka dhici doonta.

Laakiin Bobi Wine haatan isagii ayay arimihii ku adkaadeen maadaama oo gudida doorashooyinka dalkaasi xisbigiisa ka mamnuucday inuu astaantiisa doorashada ka dhigto midabka casaanka ah, sababtuna tahay in xisbi kale leeyahay midabkaas.

Awoodda midabka iyo astaamaha ee loo adeegsado ololeyaasha doorashooyinka Afrika maaha kuwo la dhayalsan karayo.

“Mar kasta oo astaantu tahay mid si fudud loo garan karo waxa fududaata in taageerayaashu xusuusan karaan xisbiga leh ee ay doonayaan. Xisbiyada qaarkood ayaa u haysta in ay fiicantahay in ay qaataan astaamo ay shacabku u arkaan in ay u taaganyihiin rajo iyo nolol,” ayuu yidhi Dr Isaac Owusu-Mensah, oo wax ka dhiga kuliyadda culuumta siyaasadda ee Jaamacadda Ghana.

Wuxuu tusaale u soo qaatay labada xisbi ee ugu waaweyn kuwa ku tartami doona doorashada Ghana ka dhici doonta bisha Diisember.

“Xisbiga mucaaradka ah ee NDC waxa u astaan ah dallaayad macnaheeduna yahay in xisbigaasi gabbaad kuu yahay gaar ahaan marka waayuhu adkaado,” ayuu yidhi Dr Owusu-Mensah.

“Xisbiga talada haya ee NPP ayaa isna waxa u astaan ah maroodi weyn. Macnaheeduna waxa weeyi inuu xoog ku dhaafayo dhibaato kasta oo shacabka ka hor timaad. Kolka dhibaato kula soo deristo maroodiga uun xaga dambe ka mar isagaa ku difaaciye.”

‘Midabka casaanku nolol buu tilmaamaa’

Dr Mshai Mwangola, oo ah aqoonyahan u dhalatay Kenya ayaa tidhi midabadu macno badan uma laha xisbiyada dalalka reer Galbeedka.

Tusaale ahaan midabka casaanku wuxuu astaan u yahay xisbiga Labour-ka Ingiriiska ee siyaasadihiisu bidixda yihiin, laakiin xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka iyo Conservative-ka Ingiriiska ayaa waxay midabka buluugga ah la wadaagaan xisbiga Maraykanka ee Dimuqraadiga oo ah xisbi Liberal ah.

“Afrika dadku waxay ogyihiin in midabadu macno gaara ku fadhiyaan….. aad ayay xiiso u leeyihiin midabadu marka ay timaad arimaha siyaasadda oo midabo is barkan oo kala duwan ayaa jira” ayey tidhi Dr Mwangola.

Macnaha midabyadaas waxa sidoo kale laga dheehan karaa calamada dalal badan oo Afrikaan ah oo halgan u soo galay gobanimadooda dadna u dhinteen sida Kenya oo kale.

“Casaanku wuxuu u taagan yahay dhiigii loo daadiyey, madowgu badanaa wuxuu u taagan yahay dadka dalka midabka doogga ahina wuxuu u taagan yahay deegaanka ama dhulkii ay u dagaallameen” ayay tidhi.

Aragtidan waxa la qaba Dr Owusu-Mensah.

“Casaanku waa midab muhiimad gaara u leh xisbiyada dalkan. NPP midabada astaana u ahi waa casaan, buluug iyo caddaan. NDC na waxa u astaan ah casaan, caddaan iyo doog. Xubnaha sarsare ee xisbiyadaas waxay ku odhanayaan dhiiggu waa casaan, taas oo macnaheedu yahay in midabkaasi yahay midabka nolosha sidaa awgeedna xisbigaasi u taagan yahay nolol.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale astaamuhu waxay yeeshaan macneyaal aan loogu talo galin mararka qaarkood.

Doorashooyinka Afrika ka dhici doona

  • Guinea: 18 Oktoobar
  • Seychelles: 22-24 Oktoobar
  • Tanzania: 28 Oktoobar
  • Ivory Coast: 31 Oktoobar
  • Ghana: 7 Diisember
  • Central African Republic: 27 Diisember
  • Niger: 27 Diisember
  • Uganda: 10 Jeeniweri – 8 Feeberweri 2021

Gudida doorashooyinka Kenya ayaa sannadkii 2005 mar dalka ay ka dhacaysay afti loo qaadayey dastuurku, waxay dedaal u gashay in aanay labadii dhinac ee midna doodnayey midna diidanaa siinin taageero qarsoon oo ay midabka ku helaan.

Gudidu waxay doorteen laba khudradood oo dalka aad looga helo oo kala ah liin iyo muus. Laakiin shacabka Kenya ayaa weli midhahaasi macneyaal gaar ah u leeyihiin.

Ololahaa waxa ka jiray tartan adag oo siyasadeed oo doodaha mararka qaar ahaayeen wax lagu qoslo sida faa’iidada muuska ama liinta oo kale markay ka hadlayaan.

.

Hase yeeshee guushii waxay raacday liintii oo aftidii waxa lagu diiday qorshihii xukuumaddu wadatay. Muuskii waa laga adkaaday.

Xulafadii siyaasadeed ee isku bahaystay in ay aftida ku codeeyaan maya ee astaantoodu ahayd liinta ayaa markii dambe xisbi ay wada samaysteen magacii liinta u bixiyey.

Maanta xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) oo uu hogaamiyo ra’isal wasaarihii hore, Raila Odinga, waa xibsiga ugu wayn mucaaradka Kenya.

Astaamaha ‘sixirka’ oo la mamnuucay

Laakiin astaan kasta looma ogolaado doorashada, waxaanay arintaasi ka dhacday doorashadii Zimbabwe ee sannadkii 2018 oo astaamaha qaarkood laga mamnuucay.

Gudida doorashooyinka Zimbabwe oo magaceeda loo soo gaabiyo ZEC ayaa musharaxiin badan ka mamnuucday astaamo badan oo ay ku jiraan sawirrada hubka iyo xawayaannada qaarkood.

Waxa mamnuuc ahaa in qof astaantiisa ka dhigto harimacad, maroodi ama shabeel, laakiin waa loo ogolaa haduu qori ka dhigto astaantiisa.

Malaha waxay ZEC garawsatay in doorashooyin badan oo Afrika ka dhaca aan codka lagu helin sixir ee lagu shubto.

Markaa waxa ay mamnuucday astaamaha xawayaanada ay ka mid yihiin guumaysta iyo maska kobraha oo dadka reer Zimbabwe aaminsan yihiin in sixirka loo adeegsado.

Xabxabka ama qaraha oo ah khudrad macaan oo la jecelyahay ayaa Kenya ka ah astaan siyaasadeed oo aan la jeclayn. Waxa la sheegaa in uu ka dhigan yahay siyaasi aan mabd’a siyaasadeed oo adag lahayn madaama midabadiisa dusha iyo guduhu kala duwan yihiin.

Qofka ku sifoobaana waa qof aan la aamini karin, sidaa awgeed way adagtahay in aad ku aragto olole siyaasadeed oo xabxabka looga dhigay astaan.

Dawladda Uganda ayaa si fiican u fahamtay awoodda midabadu leeyihiin marka astaamo laga dhigto. Sannad ka hor ayey koofiyadda cas ka dhigtay dhar u gaar ah milatariga dalkaas oo qofka shacab ah ee lagu arko isaga oo gashan la xidhayo, in kasta oo Bobi Wine aad mooddo inuu iska dhego tiray sharcigaas.

Dr Mwangola waxay aaminsantahay in Bobi Wine sababta uu u doortay midabka casaanka ahi tahay in uu noqdo midab lagu muujinayo in laga cadhaysan yahay midabka huruudda ah ee xisbiga talada haya ee NRM oo Madaxweyne Yoweri Museveni oo hogaamiyaa doonayo inuu mar lixaad xilka isu soo sharaxo.

Yoweri Museveni

“Midabka huruuddu wuxuu astaan u yahay cadceed soo baxaysa iyo farxad, qolada kalena markaa waxay leeyihiin ‘maya, waanu cadhaysannahay’… waxaa la gala horymid cadho iyo diidmo midabka casaanku astaan u yahay” ayay tidhi.

“Midabka huruuddu wuxuu astaan u yahay badhaadhe, laakiin casaankii baa leh yaa badhaadhay?”

Hadii shacaba reer Uganda ay u codeeyaan midabka casaanka ah bisha Jeeniweri marka doorashadu dhacdo, waxa xaqiiqo ah in Bobi Wine madaxtooyada geli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here