Cid Aan Illaahay Ahayn oo Iga Danbaysaa Ma Jirto , Waxaanan U Arkaa Inay Maanta Wakhtigaygii Joogto”Xildhibaan Kijaandhe”

0
596

Hargeysa (QN) Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa munaasibad is qabatay maanta u qabtay siyaasiinta ,aqoonyahanka ,dhalinyarada ,xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ,iyo haween tiro badan .

 

Xildhibaanka ayaa marlabaad xafladan ka shaaciyay inuu yahay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE .

Xildhibaan Kijaandhe oo munaasibadaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Saladiinta ,Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga iyo dadwaynahan aadka u tiro badan waan salaamaya ,aadbaan idiinka mahadcelinayaa sida aad iiga aqbasheen casuumada aan idiin fidiyay ,waxanan idiinku yeedhay inaan maanta si rasmi ah idiinku shaaciyo inaan ahay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE waxaan doonayaa inaad itaageertaan ”.

”Anigu waxan ka mid ahaa ragii ugu horeeyay ee Xisbiga kulmiye gala ,waxaanan u arkaa inay maanta wakhtigaygii joogto ,raga maanta musharixiinta ahna qaar badan baan ka soo horeeyay ,qaarna waabay iigu yimaadeen ,waxaana idhi dee adigu ma dadka la tirsanayuun bad noqon sidaa darteed ayaa igu kalifay maadaama ay jago banaan tahay una qalmo ”.

Xildhibaan Kijaandhe aya baaq dheer u diray taageerayaashiisa iyo dadkii uu xaflada ku casuumay waxanu yidhi ” kursi jacayl ima gayn Murashaxa madaxwayne laakiin xaq baan u leeyahay waxaanan idinka codsanayaa inaad itaageertaan sidii ad markii horaba ii taageerteen oo Xildhibaan baabad dee ii doorateen ,idinka la’aantiina waxba noqon maayo ,waxan idin waydiisanayaa inaad iskay daba taagtaan oo aad i caawisaan ”.ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe .

Murashax Xildhibaan Axmed Cabdi kijaandhe ayaa beeniyay isla markaana iska fogeeyay wararka sheegaya in aanay Murshax nimadu ka dhab ahayn ee ay ashkhaasi soo dhabar taabato oo uu ku raali-galiyo waxaanu yidhi ”waxaan doonayaa inaan meesha ka saaro ,dadbadan baa Murashax nimadayda shaki galiya dadbaa yidhaahda Kijaandhe ka dhab maaha oo cid baa wadata ,cid aan Illaahay ahayn oo iga danbaysaa ma jiro nin waxaa ku shaqaysta ma ihi oo waa lay garanayaa ,oo cidna wax ima soo gashato aniga ”ayuu yidhi Xil.Axmed Kijaandhe.

Xil.kijaandhe ayaa shaaciyay inaanu ka caajisayn tartanka Murashax nimo kana hadhayn waxaanu yidhi ”Wxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan halka ugu danbaysa soconayo oo anan ka hadhin Golaha dhexe ee xisbiga ee beesha ugu jirana (ARAB)waxan ka codsanayaa inay i taageeraan waanaynu shiri doonaa”ayuu yidhi Murashax Kijaandhe

qoryaalenews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here