Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Gudoomiyaha Kulmiye Kala Shaqaynaya Sidii Uu Musharaxa Kulmiye Ugu Guulaysan lahaa

0
608

Hargeysa(QN) Warar hoose ayaa xaqiijinaya in gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed (Ciro) u tafaxaytay sidii uu uga howl gali lahaa xubnaha golaha dhexe Kulmiye kaga jira beeshiisa in ay u codeeyaan gudoomiyaha Kulmiye.
Odeyaal iyo xubno uu la kulmay ayuu Cabdiraxmaan Ciro u sheegay in gudoomiyaha Kulmiye doorashadiisa ay ugu jirto faa’ido badan, taa oo ah in kursiga meel banaan Wadani ka qaadanayo.
Waxa uu gudoomiyaha Wadani sheegay in Muuse Biixi yahay nin nabaro badan leh, cunfi badan oo dagaalo sokeeya gacama la galay, nin beelaha darafyadu necebyahay, nin aan barnaamij iyo siyaasad lahayn, nin umadu ka soo wada boodayso, nin aan tartan gali Karin, sidaa awgeed ay fududtahay sida looga qaadayo kursiga.
Cabdiraxmaan Ciro waxa kale oo uu u sheegay xubnaha golaha dhexe ku jira in danta xisbiga Wadani ku jirto Muuse biixi oo meesha yimaada, isaga oo waliba ka dayriyey in xisbiga Kulmiye ku soo noolaan karo hadii Maxamed Biixi loo cumaamado.
Olalahan ayaa ka dambeeyey markii Muuse Biixi kala shaqeeyey Cabdiraxmaan Ciro sidii haamaha looga horjoogsan lahaa xukuumadu in ay iibiso, isaga oo dedaal badan u galay sidii xukuumadu ugu fashilmi lahayd.
Danta xisbiga Wadani uu Muuse Biixi ka leeyahay ayaa suuqa u soo baxaysa, warkaas oo ah warar isa soo taraya laakin ayna xukuumada Madaxweyne Siilanyo ku baraarugsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here