“Aniga Iyo Maxamed Biixi Yoonis Waxanu Nahay Musharixiin Isku Aragtiya ,Lakiin Muuse Biixi…”Musharax Samaale.

0
692

Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale ahna Murashax u taagan jagada Madaxwayne nimo ee Xisbiga kulmiye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ka muquurashadii uu kaga biyo diiday soo dhawaynta Wasiir Maxamed Biixi Yonis uu Axadii ka soo laabtay waftigii Madaxwaynaha ee ku sugnaa dalka ingiriiska ,soo dhawayntaasi oo aany u kala hadhin badi bulshada Somaliland ayaa  si wayn looga tabay  sheekh samaale oo xulufo siyaasdeed ay yihiin waxaana dhacdadani ka qoray Wargayska Somalilandtoday,

Sheekh Samaale ayaa sheegay inay isku mawqif iyo aragtiba ay yihiin Wasiir Maxamed Biixi waxanu sheegay in wax khilaaf ahi aanu ka dhaxayn labadooda .Samaale oo ka jawaabayay su,aasha arrintaa laga waydiiyayna wuxuu yidhi; “ Waxba kama jiraan warkaa warsidaha Somalilandtoday qortay, . Aniga iyo Maxamed Biixi waxaanu nahay laba nin oo walaalo ah, saaxiib ah, murashixiin ah isku aragti ka ah in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. taasaanu ka midaysanahay Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe, oo aanu Muuse Biixi kaga duwanahay. Anigu murashax baan ahay, Maxamed Biixi waa murashax, Kijaandhe waa murashax, Muuse Biixi waa murashax, laakiin Muuse mooyee sadexyadda kale waxa noo dheer oo aanu isku mid ka nahay oo aanu u soo halganay in aan cid loo xidhin ee lagu tartamo xisbiga dhexdiisa, taana waa ku guulaysanay. Codka lagu kala baxayaana beelaha uma yaalo oo dadku ma codaynayaan ee cidda na kala saaraysaa waa xubnaha golaha dhexe.Sheekh Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa u qiil sameeyay ka muquurashadii uu kaga maqnaa soo dhawaynta musharax Maxamed biixi yoonis waxaanu yidhi  “Tan soo dhawayntii Maxamed Biixina taageerayaashaydii tegay waxay ku tageen talo, waanu ka shiray tallo ayay ku tageen, magac dawladeedna waa lagu soo dhawaynayay, aniguna dawladda kama mid ihi, hawlna waan ku mashquulsanaa haddana kamaan maqnayn oo taageerayaashaydaa ka qayb galay oo aanu talo ugu diray. Intii uu hadda joogayna walaalkay Maxamed Biixi laba jeer baanu is aragnay, khilaaf dhexdayada yaallaana ma jiro.”

Mar  wax laga waydiinay in sadexdooda Musharax ee kijaandhe,Maxamed biixi & sheekh samaale laysku xanto oo la leeyahay way isku shubanayaan aakhirka wuxuu ku jawaabay; “Walaal, Aniguna murashax baan ahay, Maxamedna waa murashax, Kijaandhena waa murashax, tan isu tanaasulkana Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe midkaayana mid kale kalama hadlin, ee mid kastaaba hawlihiisuu wataa, laakiin waxaanu isku aragti ka nahay, in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo dimoqraadiyad dhab ahi, doorasho xor ah oo xalaal ahi.”.ayuu yidhi Cabdicasiis samaale .

Source

BY: Cigaal.
Somalilandtoday/Hargaysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here