Warbixin: Iscasilaadda Wasiir Xirsi ,Wasiiradda Kale iyo Waxqabadkoodiiba Taariikhdda Baal Dahab Ah Ayay Ka Galaysaa ,Kulmiye-na God-madow –

0
682

Tan iyo markii uu Xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay xiliga uu qabsoomayo Shirweynaha Shanaad ee Xisbigaasi ku dooranaayo Musharaxiinta uga tartamidoona Jagooyinka Madaxweynenimo iyo Ku xigeenkiisa doorashooyinka soo socda ayaa waxa isasoo taraayay ,Musharaxiinta jagooyinkaasi damaca siyaasadeed ka hayo iyo Loolanka Siyaasadeed ee ka dhex aloosan ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arimaha Debedda Maxamed Biixi Yoonis ,Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,Xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Salaame .

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filaayay in uu dhex ka ahaanayo Loolankan ka dhexeeya Musharaxiinta Xisbiga ku hirdamaaya ,maadaama isagu aanu xisbiga u sharaxnayn isla markaana tiroba dhawr jeer ku celiyay in uu dhex u yahay ,iyadoo uu ugu danbeyna uu ku celiyay todobaado ka hor markii uu ka soo laabtay safarkii uu kaga soo laabtay dalka Erland ayaa mar qudha isbedelay.

Waxaanu Madaxweynuhu Mar-qudha shir hoosaad la qaatay Wasiiradda beeshiisa ka soo jeeda ee Xukuumadda ka tirsan kuwaasi oo uu ku wargaliyay in uu taageersanyahay Musharaxnimadda Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana iyana taageeraan ,cid la tartantana aanu aqbalaynin.

Talaabadaasi oo noqonaysa mid aan Madaxweynaha laga fadhiyin markaana Cadaalad-daro bilaadan sameeyo ah tii ugu weyneyn ,maadaama uu u kala eexday Labadii Garab ee Xisbiga ku loolamaayay cid gaar’ahna Kooto ugu xidhay ayaa waxa ka biyo diiday Wasiiraddii Xukuumadiisa ee uu Wasiir Xirsi ka mid-ka ahaa .

Waxaaney arintaasi horseeday in ay is casilaan Wasiiraddii Xukuumadda ugu miisaanka weynaa ee shaqadda , iyo Horumarka Xukuumadda ku suntanaa ,ka dib markii ay cadaalad-daradda Madaxweynaha arkeen ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Madaxtooyadda Wasiir Xirsi ,Wasiirkii arimaha debedda Musharax Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiiro kale .

Hadaba waxaan leeyahay Wasiir Xirsi iyo Wasiiradda kale ee Xukuumadda iska casilay ,waxa la yidhi rag-cadaalad waayay sida cawsha kala yaac ,iscasilaadiina iyo shaqooyinkii aad bulshadda u qabateen Taariikhdda Baal-dahab ah ayay ka gali-doontaa.

Waxaanan leeyahay Wasiiradda Gaar’ahaan Wasiir Xirsi oo ah shakhsi ku caanbaxay mudadii uu xilka wasiir-nimo Xukuumadda u hayay Waxqabad muuqda iyo Daacadnimo ,ilaahay guul ha kuu horseedo ,iscasilaadaaduna waa mid xaq ah oo Dulmi ayaad diiday,

Anaguna waanu ku taageersanahay ,ee waxaanu ku leenahay Hambalyo..

Kulmiye-na maanta ayuu God ku dhacay maadaama uu Askar shaadh-madow u gacan galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here