anigu-ma-ihi-nin-hankiisa-iyo-sharaftiisa-dhaafsiista-shilimaad-musharax-kijaandhe

0
655

h2>(QYN-Hargaysa)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE ku loolamaya Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa beeniyay, war laga faafiyay, isla markaana waxa uu ku tilmaamay inay tahay dacaayado raqiisa oo aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur

Axmed Cabdi Kijaandhe waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray, waxaanu Si adag ula hadlay dad uu ku tilmaamay inay dacaayado raqiisa oo been abuura ku faafiyay qaar ka mida warbaahinta Somaliland Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE ku loolamaya Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa waxa uu yidhi “Waa war been abuura oo aan sal iyo raad toona lahayn war uu ciwaanku yahay “War Sir Ah Oo La Helay Oo Sheegaya In Garabka Muuse Biixi Oo 11 Xubnood Oo Beesha Arab Ah U Xil Saaray Inay Soo Xero Geliyaan Musharax Kijandhe Si Loogu Sawiro Shirka Golaha Dhexe Ee Muuse Biixi Binaystay, Codka La Siinaayo Kijaandhe Oo La Qoondeeyey, Lacag Iyo Ballan Qaad Loo Ballan Qaaday Kijaandhase Shirqoolka Ma Ogyahay ee ay baahiyeen qaar kamid ah Shabakadaha Internetku. ” Musharax Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo hadalkiisa siiwata wuxuu yidhi.

Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay waxba ka jirin 11-xubnood oo beeshayda ah oo lay soo direy inay I soo xero-geliso,waana war been abuura oo suuqa la geliyay. Wax allaaliyo wax iska bedelay go’aankii aan ku qaadacnay ka qeybgalka Shirka Golaha dhexe waa sidiisi hore, ilaa inta ay wax iska bedelayaan.

“Anigu mayhi nin hankiisa iyo sharaftiisa siisanaya adduun iyo shilimaad.Waxaan leeyahay dadka dacaayadaasi faafinayaa waa dad aan kalsooni isku qabin oo ka dhiganaya Cimri dherer iyo xumad jebin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here