Qoyska Madaxtooyada Oo Shacbiyadda Fagaareyaasha Ee Xirsi Waji-Gabax Ku Noqotay Oo Xilwareejintii Wasaaraddiisii Ku Qabtay Madaxtooyada Lafteedii

0
642

-Qoyska madaxtooyada iyo xukuumadda Somaliland intii ka hadhay is-casilaadii todobaadkii hore ay ku kaceen wasiiradiisii ugu tunka weyna ee ku jiray, ayaa iyagoo ka warwarsan inay waji-gabax kale kala kulmaan xaflad xilwareejineed oo dambe oo lagu qabto mid ka mid ah hoolalka waaweyn ee magaalada Hargeysa waxay galinkii horee maanta xafladii xilwareejinta wasaaradda Madaxtooyada ku qabteen xarunta madaxtootada lafteeda.Xafladdan oo ay madaxtooyadu iyadu isu camirtay marka la eego dadkii ka soo qaybgalay ayaa wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Xirsi Cali Xasan waxa uu si rasmi ah xilkii uu iskaga-tagay ku wareejiyey Maxmuud Xaashi oo ahaa wasiirkii Duulista ka hor intaan madaxweyne Siilaanyo u mgacaabin xilkan cusub .

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu ku guulaystay doorashadii 2010 waxa uu  doonayey inuu gacanyarehiisa kowaad ee madaxtooyada u fadhiyi doona ka dhigto Maxmuud Xaashi, waxaanu u soo jeediyey inuu qabto xilka Chief of  Cabinet-ka (Chief of Staff) xafiisyada xarunta madaxtooyada kaasoo inta badan diyaariya kalana socodsiiya arimaha uu madaxweynuhu damacsanyahay inuu fuliyo ama maamulkiisa wax-ka-qabashada uga baahan isla markaana isku xidha hawlaha hayadaha sare ee xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha.Hasa yeeshee Maxmuud Xaashi oo fahmi waayey xilkaasi lala doonayey ayaa waxa uu madaxweyne Siilaanyo ka codsaday inuu wasiir u magacaabo taasoo uu ka yeelay una magaacabay wasiirka Duulista halka xilkii Chief of Cabinet-ka ay noqotay inuu u magacaabo Xirsi Cali Xasan kaasoo ka dhigay xafiiska ugu shaqada badan uguna awooda badan ee dawladda Somaliland.

Jagaqda ‘Chief of Cabinet’ ayaa waxay muddo gaaban ka jiri jirtay xukuumaddii Cigaal iyadoo xiligaa uu ku magacwnaa nin la odhan jiray Cabdi Xuseen.Markii uu Siilaanyo xilkaasi dib ugu soo daray maamulkiisa ayaa dadki iyo warbaahintuba qofba siduu doono u macnaystay taasoo jaah-wareerkii ka dhashay awgeed, ay Siilaanyo ku kaliftay inuu mar dambe sidii Cigaal ka dhigo wasaaradda Madaxtooyada.Maxamuud Xaashi ayaa wax yar kadib markii loo magacaabay wasiirka Duulistaba bilaabay ollole uu ku doonayey  inuu Xirsi badalo taasoo inay u suurtowdo ku qaadatay shan sanadood iyo dheeraad kadib markii uu Xirsi iskii uuga tagay jagadaasi uu magaca iyo maamuskaba u yeelay.

Xirsi ayaa waxa uu shacbiyad weyn ku kasbaday go’aankii uu dhawaan isaga iyi koox wasiiro ahi kaga tageen xukuumadda iyadoo aad looga soo dhaweeyo fagaareyaasha taasoo ay ugu dambeeyeen xafladihii xilwareejinta wasaaradda Hawlaha Guud iyo xafladii Crown Hotel ee isaga iyo saxiibadiisii ay xukuumadda iska wada dareereen ku soo bandhigeen taageerada siyaasadeed iyo xisbiba ee ay haystaan.Qoyska madaxtooyada gaar ahaan Aamina Waris iyo Baashe Cawil ayaa sida la sheegay aanay raali galinin shacbiyadda uu Xirsi ku yeeshay Caasimadda taasoo ay yaxyax iyo waji-gabax ka qaadeen ilaa heer ay hogaanka xisbiga Kulmiye ku canaanteen isla marka ka dalbadeen inay dhalinyarada magaalada gaar ahaan kuwa deggan xafaadaha 26 June iyo 150-ka la sameeyaan kulamo ay kaga soo reebayaan taageerada ay fagaareyaasha Xirsi uga muujiyaan.

Qoyska madaxtooyada oo si gaar ah wali aad ugu cadhaysan masuuliinta tirada badan ee mar kaliya xukuumadda iska dhaqaaqay fadeexadda ay arintaasi ku keentay madaxweyne Siilaanyo iyo taarrikhdiisiiba ayaa waxay markiiba hayadaha amniga amar ku siiyeen in wasiirada is-casilay aanay dib u soo galin xafiisyadoodii oo aanay xataa ka qaadan kirin alaabooyinkii ay gaarka u lahaayeen taasoo loo arkay talaabo aargoosi ah balse ka baxsan gefna ku ah milgaha iyo hanaanka ay dawladnimadu leedahay.Inkastoo sida la sheegay aanu Xirsi dalban in xafladda xilwareejinta wasaaradii uu ka tagay lagu qabtay meel ka baxsan xarunt madaxtooyada, hadana waxa hubaal ah in dad farabadan oo meelo kale gedisan oo Caasimadda kaga nooli oo aad u xiisaynayay ka qaybgalkeeda ay soo buux dhaafin lahaayeen hadii lagu qaban lahaa goob u furan dadweynaha.

 

Written by Naasir Aadan

 

 

Source Haatuf

amina warisbashe cawil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here