REER BA’AYOOW YAA KU LEH|

0
1003

kulmiye xabalaha

Ka fekerka waayaha dalkaagu ku sugan yahay iyo saadaalinta mustaqbalka kusoo fool lihi waa arin ku dheer qof kasta oo wadani ah oo ka xor ah maslaxad shakhsiyadeed iyo mid qabiil, si kastaba ha ahaatee, 10/11/2015, oo shalay ahayd, ayaa waxaa xisbiga KULMIYE shir docaysan ku doortay Murashaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, ee xisbigaas uga tartami doona doorashooyinka soo socda, iyagoo u kala doortay sidan:-

1. Murashaxa madaxweyne ee xisbigaas oo ay u doorteen Korneyl Muuse Biixi Cabdi iyadoo haba yaraatee aanay jirin cid xilkaas kula tartantay, kadib markii ragii la tartamayay ay salugeen sidii wax loo waday, goosteena inay dibedda ka joogaan tartankaasi

2. Iyo C/raxmaan Saylici oo ay u doorteen Murashaxa madaxweyne ku xigeen, isla iminkana ah Madaxweyne Xigeenka Somaliland

Goldaloolooyinka doorashadaas ka muuqday ayaa ah sidan:-

1. Diktaatooriyad

Labadan murashax waxay ku yimaadaan hanaan dhabar taabasho ah, oo uu horseedka ka ahaa madaxwyne Siilaanyo, isagoo si cad u faray golihiisa wasiiradda, xubnaha golaha dhexe ee xiisbiga inay u codeeyaan, raacaan, lana tartamin Kornel Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici, taasoo keentay inay iska casilaan Golihiisii wasiiradda rag badan oo han lahaa, isla markaana xiliyadda qaar ahaa Baalal ay ku duusho Xukuumadiisu, docda kale, Dr. Saeebaan xaglatoosiye oo isugu ku adkaystay inuu la tartamo C/raxmaan Saylici ayaa isaguna ka cowday sidii loo maamulayay madashii doorashadu ka dhacaysay isagoo tibaaxay inay khaladaad badani jireen oo aan waxba laga qaban, iyadoo arintu ku gabagabawday sidii uu Siilaanyo raalida ka ahaa, balse aanay dimoqraadiydda iyo caddaaladu raalida ka ahayn

2. Hanaanka loo soo doortay labadan Musharax

Dabiiciyan, aadamuhu kama maarmo awoodo isu dheelitiran marka laga hadlayo heer deegaan iyo heer Bulsho-ba, tusaale ahaan, xiligii ay jirtay Soomaaliyadii weynayd, waxaa miisaanku ahaan jiray Waqooyi iyo Koonfur, waana halka reer waqooyigu kaga cawdaan in reer koonfureedkii uu qaatay sed bursi balaadhan oo aan caddaalad ahayn marka laga hadlayo saamigii dawladnimo, sidoo kalena, Soomaaliland-ta maantu waxaa isu dheelitirankeedu ku salaysan yahay BARI IYO GALBEED, oo ay tahay in markasta lagu jaangooyo awoodaha isu dheeli-tirankeedu inuu ku salaysnaado, waxaana la yaableh in taldii SIILAANYO noqoto Inuu laba nin oo kazoo wada jeedo hal gobol oo Galbeedka Soomaaliland ah uu u hibeeyo jagooyinka musharaxnimo ee Madaxweynaha, iyo ku xigeenkiisa, isagoo ka fekeraya nin Hebel la yidhaahdaa inaanu isaga dabadii BARI kasoo bixin, iyadoo markii horeba ay gobolada barrigu ahaayeen kuwo aanay si waafi ah u gaadhin dawladnimadu, iyo horumarka ku wada baahay goboladda galbeed ee Somaliland, iyadoo ay tani dhabaha u xaadhayso in dawladnimadda qariibka ku ahayd Gobolada barri ay si toos ah usii saqiiri doonto.

3. Falcelinta dadka ku dhaqan gobolada Barri

Dadka ku dhaqan gobolada barri waxaa ay hadda isha ku hayaan labada xisbi ee kale ee kala ah WADANI iyo UCID, iyo sida ay u maareeyaan soo xulitaanka musharaxiinta Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynaha ee xisbiyadoodu, iyo sida ay isugu miisaamaan hanaanka dheelitiranka siyasaasadeed ee labadan Jago ee ay u kala siiyaan labadan bogcadood ee BARI IYO GALBEED, waxaana hubaal ah in Muuse Biixi iyo Saylici aanay ahayn kuwo lagu aamini karo masiirka dadkan ay la degtay saboolnimada, shaqo la;aanta, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanata bulsho, marka laga eego waayo-aragnimada siyaasadeed ee ay leeyihiin, tooda kartiyeed, dulqaad iyo qotoda xidhiidhka ay la leeyihiin dunida kale, waxaa kaloo cad inaanay lahayn xirfad iyo hibo hugaamineed oo ay iyaguna kuwada shaqayn karaan, bulshadana kuwada hagi karaa, iyagoo weliba ah laba nin oo isku Bogcad kasoo wada jeeda, waxaana tayo la’aanta hibada hugaaminaeed iyo tan madaxtinimo ee Muuse Biixi inagaga filan khudbadii uu shalay ka jeediyay madashii lagu doortay isagoo leh waxaan u mahadcelinayaa sidii ay labada nin ee Ilmo-adeeraday ah ee SAMAALE iyo BIIXI YOONIS iigu tanaasuleen sida tolnimada iyo Ilmo-adeertinimadaba leh, isagoo aan haba yaraatee soo qaadin Murashaxii kale ee KIJAANDHE, taasoo ina tusaysa sida uu u yahay nin ay qabyaaladi googoosatay, taasoo ah wixii horeba loogu xaman jiray, waxaana xaalka KULMIYE maanta yahay REER BA’AYOOW, YAA KU LEH

Iskusoo wada duuboo, Xisbiyada WADANI iyo UCID waxaa la gudboon inay ka faa’iidaystaan ilduufka siyaasadeed ee ay galeen qolada KULMIYE, kana fogaadaan inay raacaan wadada madow ee uu KULMIYE raacay

Wa Bilaahi Towfiiq,

Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco, Somaliland,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here